Heshiis la Yaab Leh Oo Markii Ugu Horeysay Dhexmaray Kooxaha Xisbullaah iyo Daacish
Lubnan 07. September 2017 (SDN/QJ):- Kooxda Hezbollah ee taageerta ciidamada dowlada Siiriya iyo kooxda la dagaalameysa ee Daacish ayaa markii ugu horeysay isla gaaray heshiis xeer jajab ah.
Hoggaamiyaha kooxda Hezbollah ayaa sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Syria Bashar Assad, si uu ugala xaajoodo heshiis boqolaal ka tirsan xoogaga Daacish looga daadgureeyey xuduudda Syria iyo Lebanon horraantii toddobaadkan.
Khudbad uu jeediyey ayuu Hassan Nasrallah ku sheegay inuu Assad weydiistay inuu aqbalo heshiiska oo lagu beddeshay inay xubnaha Daacish bixiyaan akhbaar ku saabsan sagaal askari oo Lebnanese ah oo kooxdaas ay qabsatay sanaddii 2014.
“Si shaqsi ah ayaan ugu tagay Assad, oo aan weydiistay inuu gacan ka gaysto sidii dagaalyahanada Daacish looga saari lahaa xuduudda” ayuu yiri Nasrallah.
In ka badan 600 oo dagaalyahano Daacish ah iyo qoysaskooda ah ayaa Isniintii laga daadgureeyey xuduudda Lebanon iyo Syria.
Dagalayahanadan ayaa waxay basas geeyeen magaalada Homs, oo ay uga sii gudbayaan gobolka Deir al-Zour ee bariga Syria, halkaasi oo Daacish ay weli maamusho.