|

heestii umad waxaanu nahay w/curiyey maxamed yaasiin maxamed ilkacase

heestan waxaan sameeyey 18.05.2012 waxaanan ugu tala galay xusuusta maalintaa mana aha mid la qaaday sidaa daraadeed waxaan jeclaystay inaan ku kaydiyo halkan kuna soo bandhigo ANIGOO KAGAGA QAYB QAADANAYA XUSASKA QARAN ee dabaaldegyada 18ka mey waanan soo saari doonaa insha allah

 

1. Ummad waxaan ahayn

Istiqlaalka iyo

Aayahay lahayd

Ayaan taabtayoo

 

Gumaysi eridayoo

Uur jacayl dartii

Midnimadii la ulay

Ku amuuntayoo

 

Ax tidhaanu nahay

Ololkii la baday

Oonkiyo dhibkii

Agaraadamtii

 

Ummad waxaanu nahay

Ogsoon dhiiladiyo

Urugadii la baday

Anfac looga dhigay

 

Maantana allaa

Ilays noo baxshoo

Oog noo shidoo

Waa eedhinkii meey

 

Waa dharaar ufiyo

Awood lagu huboo

Igu wayn ifkee

Allow samo ku dhowr

 

2. Ummad waxaanu nahay

Is abaabushoo

Nabad aynabtoo

Aasaaskow dhigtee

 

Aayo waxaanu nahay

Dad u iishayoo

Is agaasimoo

Axsaab doortayoo

 

Dimuqraadi adag

Udubkoodu yahay

Iyo aayo talin

Idil loo dhan yahay

 

Ummad waxaanu nahay

Isir iyo qabiil

Ka aroortayoo

Eex laga korshee

 

Maantana allaa

Ilays noo baxshoo

Oog noo shidoo

Waa eedhiinki meey

 

Waa dharaar ufiyo

Awood lagu huboo

Igu wayn ifkee

Allow samo ku dhowr

 

3. Ummad waxaanu nahay

Rabta aadmigiyo

Aduunyada dhamaan

Innay eegto oo

 

Dhab loo aaminoo

La aqoonsadoo

Garan ay noqdaan

Aayihii tashada

 

Kana mida arlada

Igad iyo weliba

Kuwa gala amniga

Urur loo dhanyahay

 

Ummad waxaanu nahay

Aan marnaba inkirin

Asal iyo walaal

Abkii soo jireen

 

Maantana allaa

ilays noo baxshoo

Oog noo  shidoo

Waa eedhiin ki meey

 

Waa dharaar ufiyo

Awood lagu huboo

Igu wayn ifkee

Allow samo ku dhawr

 

Comments are closed