|

Heesta Cusub ee Afkaygoow Qolo Ma Tihid oo Dareen Suugaaneed Ku Midaysay Shantii Soomaaliyeed ee Gumaystuhu Kala Qoqobay,Balse Ma Dawayn Doontoo Nabarada Qoomiyadaas kala Gaadhay Warbixin DAAWO

Hargaysa 23. July 2017 (SDN/QJ):- Hal-abuurka Dhalinyarada ah ee Reer Hargeysa Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani) oo ka tirsan Bahda Fanka ee Xiddigaha Geeska, ayaa ku guulaystay inuu noqdo Abwaankii ugu horreeyey ee Hees u sameeya Afka Hooyo ama Luuqadda Soomaaliga, taas oo ah Heestii koowaad ee inta la hayo ama la ogyahay mid ka mid ah Hal-abuurrada Soomaalidu u sameeyo Afkeenna Hooyo.

Heestan uu Curiyey Abwaan Jaylaani, ayaa Hal-ku-dheggeedu yahay; ‘Afkaygoow Qolo Ma Tihid’, taas oo uu kula hadlay Afka laftiisa, kagana hadlayo inuu yahay Af ama Luuqad ka dhaxaysa dhammaan Soomaalida gobolkasta iyo maamulkasta oo ay kala sheegtaan, siyaasad kasta oo ay isku-qabtaanna aanay saamayn doonin ee uu yahay Af Qani ah oo Illaahay Qorshe iyo Qoom ugu talo-galay, isla markaana aan Qaxooti ku ahayn Dunida, waxaana Heestaas iyo muhiimaddeeda Warbixin ka qoray Wargeyska Ogaal oo Hargeysa ka soo baxa.

Waxaa Heestaa isu dhiidhiibaya ama wada-qaadaya Shan Hoobal ooo ka tirsan Fannaaniinta Kooxda waayadan dambe laga daba dhacay ee Xiddigaha Geeska, kuwaas oo kala ah; Maxamed-Cirro, Khadra Cabdi Silimoo, Mursal Muuse, Cabdirisaaq-Anshax iyo Ugbaad-Aragsan.

Heestan waxaa Laxanka Macaan ama Hab-dhaca Luuqda ku ladhay Laxamaystaha, Kamanaystaha Maxamed Miyir Xaaji, Muusiga macaan waxa raaciyey oo tumay Axmed-Weli Furinle, Duubista Xiddigaha Geeska, waxaana Muuqaal Qurxoon oo ay toddobaadkii hore ku soo baxday Heestaasi Duubay Farsamo-yaqaannada Xiddigaha Geeska.

 

Haddaba, Heestaas oo noqotay middii ugu horreysay ee ka hadlaysa qiimaha, qani-nnimada iyo wanaagga Afka Hooyo leeyahay, sida Dadkiisi u kala qayb-qaybsameen ee ay u saameeyeen Siyaasadaha Shisheeye, Qabyaaladda iyo isku-qabashadooda, haddii dawladdiisi, burburtay, haddii Dadkii lahaa inba meel lagu xidhay iyo sida waxaas oo dhan uu uga bad-qabo.

Inkasta oo Afku ka dhaxeeyo Qoomiyada Luuqada Somaliga ku hadasha hadana daawo uma aha nabarada kala gaadhay Bulshada Somalida ee Maanta u kala qaybsan Shanta Qaybood.

Heestaas Naxweheeda iyo sharraxa Nuxurkeeda oo Qof kasta oo Soomaali ahi fasiran karo muhiimadda ay Afka u leedahay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Halkan hoose Erayadeeda oo dhammaystiran, ee ka bogasho habboon:-

 

“Afkaygoow Qolo ma tihid

 

Qabiiliyo Reer ma tihid

 

Qof gaar kuu lihi ma jiro.

 

Dadkaagaa Qaybsamoo

 

Qoloba Qolo diiddantee

 

Adigu Waxa tahay  Af Qudha.

 

Adduunkiyo Qaaradaa

 

Astaanbad Qoom u tahay

 

Qiimaha Soomalinnimo

 

Ayaad Quwaddiisa tahay.

 

Afkaygoow Qaran jiraadtay

 

Jabuuti Qiimahaaga weeye

 

Jigjigi Quruxdaada weeye

 

Gaarisi Qaydkaaga weeye

 

Muqdisho Qoriddaada weeye

 

Hargeysi Qamuuskaga weeye

 

Boorame Qalinkaaga weeye

 

Bosaaso Qiyaastada weeye.

 

Bayjka 2-aad:-

 

Afkaygoow Quus ha noqon

 

Kolkay is Qardoofayaan

 

Shantii Qayb kuu lahayd

 

Qayrkoodba kala diloo

 

Reeray isu quudhsadaane

 

Ha  Moodin inaad Qabyowday

 

Qastiga Abuurte Allana

 

Qaybaad Dhulka leedahoo

 

Qorshiyo Nolol-baad Hagtaaye

 

Adduunka kuma tihid Qaxoonti.

 

KOORAS AMA DHEXTAAL:-

 

Afkaygoow  Qaran jiraadtay

 

Jabuuti Qiimahaaga weeye

 

Jigjigi Quruxdaada weeye

 

Gaarisi Qaydkaaga weeye

 

Muqdisho Qoriddaada weeye

 

Hargeysi Qamuuskaga weeye

 

Boorame Qalinkaaga weeye

 

Bosaaso Qiyaastada weeye.”

 

Heestaas oo ay Fannaaniintaasi isu dhiidhiibayaan, kuna luuqaynayaan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed