Hees Qoob ka-ciyaar ah Oo Uu Madaxweyne Obama Kusoo Khatimay Safarkiisii Kenya Oo Su’aalo Badan Laga Keenay
Nairobi:Jully,28,2015(SDN/QJ)-Dad badan oo si dhaw ula socday safarkii madaxweynaha Maraykanku dhawaan ku tegay dalka Kenya, ayaa su’aalo ka keenay Hees aad looga jecel yahay Dalka Kenya oo uu madaxweynuhu kusoo khatimay safarkiisii.
Heestan qooka-ciyaarka ah oo lagu magacaabo Lipala Dance, isla-markaana dalka Kenya aad looga jecel yahay, ayaa noqotay mid aan laga filaynin inuu madaxweynuhu ku ciyaari dooono.
Inkabadan 20-Fanaaniin u dhashay dalka Kenya ayaa safarka Obama ka hor u sameeyay Xaflad casho sharafeed ah oo ay kasoo qeybgaleen Madaxweyne Obama iyo Wafdigiisa iyo Madaxda Kenya oo dhinac ah.
Obama ayaa munaasabada ka sheegay inuu dhowr daqiiqo ka nasanaayo Muusiga islamarkaana uu ciyaarta la qeybsan doono Fanaaniinta.
Waxa Dadka intooda badani is weydiinayaan sababta keentay inuu madaxweynuhu usoo muusoodo Musigaas dalka Kenya sida weyn looga jecel yahay.
SDN/QJ