Hees Loo Sameeyey Gabadh Uu M/Siilaanyo Dhalay Oo Ka Mid Noqotay Heesihii Ugu Daawasho Badnaa Maalmaha Ciidda DAAWO
Hargaysa 13.July 2016 (SDN/QJ):-Hees Cusub oo uu daawaha ka soo qaaday Fannaanka Caanka ah ee Maxamed Siciid Cabdi oo loo yaqaano BK ayaa waxa ay noqotay mid ka mid ah heesaha cusub ee Telefishanada Ka Baxay Maalmihii Ciidda iyada oo Heestani Nooqtay Mid ka mid ah Heesaha loogu daawasho badan yahay, heestaasi oo si weyn dhallinyaradu isugu gudbisay Baraha Xidhiidhka Bulshada ayaa waxa ay ku socotaa oo loo qaaday Mid ka mid ah Ubadka uu dhalay Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo lagu magacaabo Luul Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah Marwo ay wada jiraan Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta Mudane Baashe Cawli.
Heestan oo si gaar ah uga baxday Cawayskii Ciidda Telefishanka HCTV ayaa cidda samaysay iyo ujeedada loo qaaday ka hadlay isla Fannaanka Maxamed BK oo yidhi: “Heestan waxa midhaheeda leh Abwaankii Abwaanada Mudane Xasan Dhuxul Laab Saalax. Miyuusigga waxa u tumay heesta Axmed-weli Ibraahim Furinle. Heestan waxa aan u qaaday Gabadh aad iigu qaali ah, waa Luul Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah Xaaska Baashe Cawil. Iyada iyo saygeedaba waan salaamayaa meel kasta oo ay joogaan wakhtigan. Waxaanan leeyahay Ciid Mubaarak”.
Midhaha Heestu Waxa Ay Odhanaysaa:
Haddii Gole, Gole Goleee Gole
Laba Iyo Toban Lix Kun
Iyo Laba Iyo Laba Lixdan
Dumari Joogaan
Libdhada Shiiqisaad Tahay
Iimaan Lingaxanoo
Garasho iyo Xishood
Lagu Ladhay
Adaa Laasimoo Sharaf
Luuleey Luuleey
Ruux Gobaad Tahay
Maalin Qudha Ha Liicine
Luuleey Dunida Waligaa
Ladnaan Iyo Ku Joog
Luuleey Ku Joog Ladnaaniyo Farax
… …. …..
Dhaqankeena Maad Lumin
Kamaad Leexan Hiddihii
Laba Iyo Adaa Toban
Garashadaa Lodkaa Dheer
Anaa Laabta Kugu Qoray
Sawirkaaga Meel Lulay
Nafta Kugu Lingaxayoo
Luuleey Lubbigayga Kuu Huray
Maalin Qudha Ha Liicine
Luuleey Dunida Waligaa
Ladnaan Iyo Ku Joog
Luuleey Farax Ku Joog
Ladnaan Iyo Ku Joog Farax