|

Hay’dda Caafimaadka Adduunka Oo Ka Digtay In Cudurka Ebola Uu Soo Gaadho Dalka Kenya

Nairobi:Aug,14,2014(SDN/QJ)-Warka soo baxay Hay’adda Caafimaadka u qaabilsan dunida ee WHO, ayaa lagu sheegay in dalka Kenya uu Halis ugu jiro in Cudurka khatarta ah ee Ebola uu soo gaadho.

eboloWakiilka Hay’adda WHO u joogta magaalladda Nairobi, Drs. Custodia Manddhate ayaa sheegtay in Heerka cabsida ee inuu cuddurkaasi u soo gudbo tahay Heerka 2 (Level 2).

Waxay bogaadisay dadaalka Wasaaradda Caafimaadka Kenya ee baadhitaanka Screen-ka lagu saarayo Dhoofayaasha ka yimaada dalalka uu cuddurkaasi ka jiro ee ka soo dega Garoonka Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalladda Nairobi.

Waxay ku baaqday dadaalo dheeraad ah si looga hortago inuu jeermiska Ebola sii faafo, maadaama duulimaadyo badani dalka Kenya kaga yimaadaan waddamada Galbeedka Afrika oo ah Xudunta  Cudurkani saldhigga ka dhigtay.

Dhinaca kale, Xoghaye-hoosaadka Caafimaadka Kenya, James Machura ayaa sheegay inaanay xayiraad lagu soo rogo Diyaaradaha Kenya Airways inuu u duullaan dalalka Galbeedka Afrika waxba ka taageeri karin sidii loo joojin lahaa faafista cuddurka Ebola.

Waxa uu intaasi ku daray in Shirkadaha kale ee Diyaaradaha sida Ruwanda Air iyo Ethiopian Airlines inay duullimaadyo ku tagaan Galbeedka Afrika, kana soo degaan Garoonka JKIA ee Nairobi.

“Kenya waxaa isbuuciiba yimaadda 76 Diyaaraddo ka yimaada Galbeedka Afrika, oo ay sameeyaan Diyaradaha Kenya Airways. RwandaAir iyo Ethiopian Airlines, sidaa darteed waa khatar sare” ayuu sii raaciyey.

Cudurka Ebola ayaa ah halista kaliya ee ilaa iyo Haatan laga cabsi qabo inay dunida Khatar gelin karto, waxana ku Hawllan joojintiisa dawlado tiro badan oo doonaya in la helo daawo lagula tacaalo, maadaama uu haatan caalamka ku laayey dad gaadhay 1300. Oo meelo kala duwan ku noolaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed