Hay’adda Xuquuqal Insaanka Dunida Oo Duqayntii Lagu Laayay Dadkii Tahriibka Ahaa Ee Doonta Saarnaa Ee Reer Somaliland U Badnaa Ku Eedeeysay Sacuudiga,Kuna Tilmaatay Dambi Dagaal
Riyadh 28. March 2017 (SDN/QJ):- War Qoraal ah oo kasoo baxay Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Human Right Watch ayaa looga hadlay duqeyntii lagu laayay qaxooti Soomaaliyeed oo ka qaxaya dalka Yaman kuna sii jeeday dalka Sudan,Qaxoontigaasi oo u badnaa dhalinyaro tahriib ah oo ka soo jeeday Somaliland gaar ahaan Goboladda Sool,Togdheer iyo Maroodijeex .
Doontan oo ay saarnaayeen qaxootiga Soomaaliyeed oo mareysay Biyaha dalka Yaman ayaa loo geestay duqeyn Todobaadkii hore, waxaana halkaasi lagu dilay tiro badan oo kamid ahaa Qaxootigii Soomaaliyeed ay ku jireen haween iyo caruur reer Somaliland u badnaa.
Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ayaa fulinta weerarkaasi ku tuhmeysa Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga, waxa ayna Hay’addu sheegtay in goob joogayaal kasoo xigatay in Diyaarado Helicopter ah ay duqeyntaasi fuliyeen kuna dileen 32-qof oo Qaxooti Soomaaliyeed ah sidoo kale ku dhaawaceen 32-qof oo kale.
Waxa ay sheegtay Hay’adda dhinacyada ku lugta leh dagaalka dalka Yaman in ay beeniyeen in ya fuliyeen duqeyntaasi, waxa ayna Hay’addu sheegtay in xulufada Sacuudigu hogaamiyo kaliya ay leeyihiin Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee weerarkaasi fuliyay. Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in Xulufada uu sacuudigu hogaaminayo aysan u muuqan kuwa diyaar u ah in dhacdadaasi dadka badan lagu laayay lagu sameeyo baaritaan caalami ah lana ogaado cidii ka dambeysay.
Sarah Leah Whitson, oo ah agaasimaha Human rights Watch ee Bariga Dhexe ayaa sheegtay in duqeynta ay iska cadahay in ay fuliyeen Isbaheysiga Sacuudigu hogaamiyo, waxa ayna tilmaantay in falkaasi uu u muuqdo in uu yahay dambi dagaal.“Taxadar la’aanta iyo tixgelin la’aanta noolasha dadka rayidka ah ayaa gaartay heer xun oo aan horay loo arag, waxaana Yaman ka socda wax u muuqda dembi dagaal.” Ayey tiri Sarah Leah Whitson.
Warka Qoraal ee kasoo baxat Hay’adda Xqauuqda Aadanaha ayaa gabo gabadii lagu sheegay in aysan u suurto galin in ay Hay’addu ogaato dalka laga leeyahay diyaarada fulisay duqeynta lagu laayay qaxootiga Soomaaliyeed.