Ha’yadda Xidhiidhka Raashinka Somaliland iyo Su’aalaha Ku Gedaaman
Hargeysa:20-Oct-2013(SDN)-tan iyo intii Guddida Dhaqaalaha ee Golaha wakiillada Somaliland farta ku fiiqeen Hay’ado sharcidarro ah oo iska qaata miisaaniyad Malaayiin dolar ah o aanay mutaysanin, maadaama aanay wax shaqo ah qaranka u qaban, ayaa waxa Hay’adahaas lacagta la iska siiyo ugu horraysa Hay’adda Xidhiidhka Raashinka.
Tusaale ahaan Sagaalkii Hay’addood ee dhawaan guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu xayireen Miisaaniyadooda waxa kamid ahaa Xafiiska Hay’ada Xidhiidhka Raashinka Qaranka ee loo yaqaan FACA ( Food Aid Coordination Agency) kaasi oo guddigu codsadeen in muddo saddex bilood ah gudahood ay isaga iyo kuwa kale ee la midka ahiba golaha wakiillada ku hor keenaan Sharciyadooda.
Muxuu Qaabilsan yahay FACA
Xafiiska xidhiidhka Raashinka Qaranka ee (FACA), Ma Jiro Xafiis guud iyo Siyaasad cad oo uu qaranka ugu qeexan yahay marka laga reebo Xafiis uu Marti ahaan ugu jiro oo ku dhex yaalla wasaaradda beeraha Somaliland, Mana jiro shaqo guud oo uu qabto marka laga reebo Mashaariicda caawimada ah ee Hay’addaha Caalamiga ahi ugu deeqaan Bulshada Somaliland oo qaab Dilaal ahaan ah ugu dhex jiro.
Xafiiskan oo Markii uu Magacaabay Madaxweyne Siilaanyo aan loo samayn Siyaasad qeexan, waxa dhibaato halkaas ka soo food saartay dadweynihii reer Somaliland, gaar ahaanna Inta risiqooda uu Alle u soo mariyo hay’addaha Samafalka.
Waxa jirta arrin dhibteeda leh oo Xafiiskani ku mashruucsado Gobollada Somaliland gaar ahaanna kuwa bariga (Sool, Sanaag, Togdheer), kuwaas oo uu kala dhex galay bulshadii iyo Hay’adihii.
Arrinta xusida mudan ayaa ah in Mashaariic Deeqo ah oo Hay’adaha Samafalka ka yimi aanay soo gaadhin halkii loogu talo galay balse ay gacan dhexe heshay, taas oo loo aanayn karo in xafiiskani kow ka yahay.
Haddaba waxa dadka badankoodu gaar ahaanna inta u dhuun daloosha dhaq-dhaqaaqa xafiiskani ay garawsan yihiin in halkii looga bahaanaa inuu ka shaqeeyo danaha dadweynaha uu isu rogay Lug-gooyo, sababtoo ah waxa uu si gaar ah ah u helay Mashaariic badan oo ay dadweynuhu xaq u lahaayeen amaba ay qorteen, sidaasi darted ma jiraan wax haba yaraatee uu ka shaqeeyo xafiiskani.
Arrinta xusida mudan ayaa ah in Muwadainiinta reer Soomaliland ee iyagu Xaraysta Mashaariicda Quudinta ah uu xafiiskani dhexda u fadhiisto, halkii ay ahayd inuu isagu u fududeeyo inay calfadaan. Sidaasi darted waxaa ay dadka reer Somaliland ee uu xafiiskani dhibta ku hayaa codanayaan gaar ahaana Xukumada Somaliland ka codsanayaan in haba yaraatee xafiiskaasi lagu daawan dhibaatadaas uu bulshada iyo qarankaba ku hayo, isla makaana ay xukuumaddu siyaasad cad kasoo saarto jiritaankiisa iyo qorshihiisaba.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com