|

Hay’adda UNHCR Oo Markale Walaac Ka Muujisay Naxariis Darrada Kenya Ku Hayso Somalida Nairobi Deggen

Muqdisho:20-April-2014 (SDN/QJ)-Tallaabooyinka Qalafsan ee Kenya ku Hayso Somalida Deggen dalkeeda, ayaa waxa mar kale ka Hadlay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

unhhhhWarbixinta ayaa lagu sheegay in hay’adda UNHCR ay ku guuleystay inay dib u sii deyso dadka Soomaalida ah ee haysatay kaadhka aqoonsiga ee Qaxootiga, kuwaasi oo xabsi ahaan loogu xidhay garoonka Kasaraani ee Nairobi.

UNHCR ayaa dowladda Kenya ugu baaqday inay joojiso dhibaatooyinka xooggan ay ku heyso Qaxootiga ku nool dalkeeda, gaar ahaan muwaadiniinta Soomaalida, kuwaasi oo si gaar ah bar tilmaameed uga dhigatay inay soo qab qabato.

Dowladda Kenya ayaa labo koorso oo muwaadiniin Soomaali ah ka celisay dalkeeda, kuwaasi oo u musaafurisay dalkooda hooyo ee Soomaaliya, waxaana  ugu dambeysay khamiistii oo 91 ruux laga dejiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Muqdisho, kuwaasi oo dhibaatooyin ka baxsan bini’aadannimada Kenya loogu soo geystay.

Warbixinta ka soo baxday hay’adda UNHCR ayaa lagu qeexay in Soomaalidii lagu celiyay Magaalada Muqdisho ay qaarkood heysteen kaadhka aqoonsiga ee Kenya,  iyadoona ugu baaqday dowladda Kenya inay kala saarto dadka sharciga heysto iyo kuwa kale.

UNHCR ayaa si buuxda u taageertay howlaha lagu xaqiijinayo ammaanka dalka Kenya, balse waxay ka soo horjeesatay Soomaalida magan-galya doonka ah ee ka imaanaya koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, kuwaasi oo naftooda kala soo baxday dhibaatooyin ka jira dalkooda.

 

S.D.N/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed