Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Shuruudo Cusub Ku Soo Rogtay 4000-kun Oo CV-yo Dhallin camal Li’I u Gudbiyeen iyo Cawaaqib Xumada Ka Dhallan karta
Hargeysa:17-Feb-2014(SDN)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa Sii Xoojisay Murankii Ka Taagnaa Nidaamka kala Xulashada CV-yada Dhallinyaro tiro badan oo Soo Codsatay 45-boos oo ka Bannaanaaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha somaliland.
Sida ay Sheegayaan Warar Lagu Kalsoon yahay oo ay Heshay Shabakadda Qurbejoog.com, Masuuliyiinta Hay’adda ayaa sheegay inay bilaabeen Kala Hufidda CV-yada, waxana ay xuseen inay qaadanayaan Kaliya Dhallinyarada Aqoontoodu Gaadhsiisan Tahay Heerka Degree-ga ama Jaamacadda Koowaad, iyagoo Meesha ka Saaray dhammaan Dadkii xaraystay CV-yadda ee Heerkooda aqooneed ka Hooseeyey Jaamacadda.
Shaqooyinka markii Hore la soo Xayeysiiyey ayaa ayaa isugu jirey Derejooyinka A, B iyo C-da, waxana ay taasi Keentay inay Bataan Tirada dadka shuruudahan Buuxinayey ee shaqadan u tartamayey.
Habkan cusub ee ay Hay’addu sheegtay inay CV-yada ku kala Xulanayso, ayaa noqday mid si weyn looga Biyo Diiday, waxana Habeenkii xalay Goobta iskugu soo Ururay dhallinyaro Shaqadan Hore u xaraysatay oo Haatan loo sheegay in laga Reebay Shaqadaas, maadaama aanay aqoontoodu Gaadhsiisnayn Heerka Jaamacadda.
Xubno sare oo ka tirsan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo aanu kula Kulanay iyagoo ku guda jira Hawsha kala Xulashada, ayaa xusay inay tallaabadaas u qaadeen markii ay Xadka ka Baxeen tirada Dadkii shaqadan soo Codsaday, waxana ay ku Andacoodeen inay Taasi tahay Xalka kaliya ee ay ilaa iyo Hadda Hayaan.
Dhallinyaradii Shaqooyinkan xaraysatay ayaa iyaguna si weyn u gaafwareegaya Goobta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxana ay si weyn ula Socdaan Hadba halka ay wax marayaan.
Wali Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu kuma ay dhawaaqin Wakhtiga Rasmiga ah ee ay imtixaanka Qaadi Doonaan, balse waxa la Hubaa inay Haatan ku jiraan Gebagebada kala Hufidda CV-yada oo Haatan ay ka Fikirayaan xilligii ku Haboonaa ay imtixaanka qaadi lahaayeen.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com