|

Hay’adda Save The Children Oo Kordhinaysa Kaalmada Dadka Abaaruhu Saameeyeen

Hargaysa 04. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda Save the Children faraceeda Maraykanka oo ay hoggaaminaysay Agaasimaha guud ee Hay’adda Save the Children ee dalalka Somaliland iyo Somalia, Ms Carolyn Miles oo uu wehelinayey wakiilka (isu-duwaha) Somaliland Mukhtaaar Muxumed Xasan.

Mukhtaar Muxumed Xasan oo ah Masuulka Hay’ada Save the Children u qaabilsan Somaliland ayaa Madaxweyne ku xigeenka si qotto dheer uga warramay hawlaha iyo mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadamino ee ay ka fuliyaan JSL iyo doorkii ay ka qaateen Gargaarka iyo Gurmadka abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Masuuliyiintani waxay soo bandhigeen qorshe shaxaysan oo muujinaya qaabka ay u hawlgaleen, noocyada gargaarka ah ee ay dadka tabbaalaysan u fidiyeen iyo goobaha ay gurmadka Abaaraha ka fuliyeen. Waxa iyana kulankaasi si mug leh uga hadashay Ms Carolyn Miles oo sheegtay inay booqatay meelo badan oo ka mid ah JSL isla markaana ay indhaheeda ku soo aragtay baaxadda baahida iyo dhibaatada ay abaaruhu ummadda u geysteen, taasoo u baahan in loo gurmado.

Agaasimaha Guud ee Hay’ada Save the Children USA Carolyn Miles waxay sheegtay in iyada qof ahaan iyo ururkeeduba ay sii labanlaabi doonaan kaalmada ay kaga qayb qaadanayaan Gargaarka Abaaraha.

Haweenaydan ugu sarraysa Hay’adda Save the Children USA, waxay Shacabka iyo Dawladda Somaliland ku ammaantay siday ugu gurmadeen ummadooda ay abaaruhu tabbaaleeyeen, gaar ahaana waxay aad ula dhacday nidaamka Mobile Money Transfer-ka oo ay sheegtay inuu wax weyn ka taray Gurmadka Abaaraha.

Ugu dambayntii, Madaxweyne ku xigeenka ayaa aad ugu mahad naqay Ms Carolyn Miles booqashada ay ku timid Jamhuuriyadda Somaliland iyo gargaarka bini’aadamino ee Hay’dda Save the Children USA ka fuliso dalka. “Badanaaba dunidu waxay isku qaladaa Somalia iyo Somaliland, balse JSL waa dal ka gaar ah Somalia oo nabad ah, dimuqraadi ah oo isagu iskii isku tashaday oo ku guuleystay xasilooni, kala dambayn iyo sharciga oo lagu dhaqmo isagoon wax kaalmo horumarin ah ka helin bulshada caalamka. Sidaa darteed, waxa la gaadhay xilligii ay bulshada caalamku garwaaqsan lahayd jiritaanka JSL oo ah xaqiiqo dhab ah oo jirta.”

M/weyne ku xigeenka wuxuu masuuliyiinta sare ee Hay’ada Save the Children USA ku booriyey inay Qaranka Somaliland ka taageeraan gurmadka abaaraha isla markaana ay sii laban laabaan gargaarka iyo kaalmada ay ugu tala galeen Abaaraha baahsan ee ka jira JSL.

Comments are closed