Ha’yadda Nabadsugidda Somalia Oo Loo Magacaabay Shakhsi Caanku ahaa Dilalka Shakhsiyaadka Shabaabka Lagu Xidhiidhiyo
Muqdisho:Sep,20,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Shheekh ayaa ugu dambayntii magacaabay xilka Madaxa Sirdoonka qaranka oo muddo Bannaanaa kadib markii hore xilkaas looga qaaday Sambaloolshe oo ay madaxweynaha sxb dhaw ahaayeen.
Madaxweynaha ayaa xilkaas u magacaabay Guddoomiyihii Maxkamadda Ciidamada qalabka sida C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo caan ku ahaa dilalka kooxaha shabaabka lagu xidhiidhiyo.
Tuuryare, ayaa hadda ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida, iyadoo uu hore uga soo shaqeeyay Hay’adda Nabad Suggida, ka hor inta aanu noqon Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada.
Tuuryare, ayaa sidoo kale ah shaqo xidhiidh wanaagsan la leh Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, wuxuuna ku heyb yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Magaacaabida Tuuryare waxay ka dambeysay markii maanta uu Madaxweynuhu aqbalay xil ka qaadistii Golaha Wasiiradu ay ku sameeyeen Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha Somaliya uu Taliyaha Nabad Suggida Qaranka u magacaabay C/raxmaan Maxamed Tuuryare.
Saacadaha soo socdo, ayaa waxaa lagu wadaa in Warbaahinta si rasmi ah loogu bayaaniyo magacaabida Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/raxmaan Maxamed Tuuryare.
Ka hor inta aan la magacaabin Tuuryare, ayaa waxaa sidoo kale la hadalhaayay in jegadaasi loo magacaabi doono Fahad Yaasiin oo si weyn ugu dhow Madaxweynaha, kuna heyb ah Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com