|

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Turkiga oo Ka Dayrisay Xaalada ay ku Sugan Yihiin Shacabka Degen Gobolka Idilib ee Suuriya

Ankara 20. October 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda Laanqeyrka Case ee Turkiga ayaa Walaac Xoogan ka muujisay  Xaalada ay ku Suganyihiin dadweynaha Gobolka Idilib, ee Dalka Suuriya, Iyadoo hallkaasi kajirto Xaalada Cunto yari ah Dawo La’aan baahsan.

Madaxa Hay’addaasi Mr Kariim Da’ud ayaa sheegay in ilaa Sideed Boqol oo kun oo ku bara kacay Gudaha Gobolkaasi ay u baahan yihiin Gargaar Deg deg ah iyo Hoy kumeel gaadh ah inta aanu soo dhicin Qabawga Jiilaalku.

 

Hasa ahaatee Ciidamada Turkiga oo Gobolkaasi si Nabad gelyo ah kusoo galay ayaa Raba  in Deganaansho iyo Xasilooni ku soo Celiyaan Gobolkaasi oo Xuduuda la wadaaga  Dalkooda Taasoo ay ugu balan qaadeen inay Gargaar Deg deg ah soo Gaadhsiinayaan Dadka u Baahan.

Comments are closed