|

Hay’adda Ilaalinta Xuquuqda aadamaha Ciraaq oo Dacwad ku oogi doonta Isbahaysiga Mileteri ee Maraykanku Hogaaminayo & Sababta Keentay

Baghdad 11. September 2017 (SDN/QJ):- Hay’ada ilaalinta xuquuqda aadanaha ee Dalka Ciraaq oo ah hay’ad ku dhowdhow baarlamaanka dalkaasi ayaa waxay ay sheegtay in ay dacwad ku soo oogi doonto isbaahaysiga Milateri ee caalamiga ah ee maraykanku hogaamiyo oo ay ku eedaynayso inay Labo Kun oo qof ku dileen Magaalada Mousel ee Waqooyiga Ciraaq.

Warbixin ay Hay’adaasi soo saartay ayaa lagu sheegay in duqaymahii dhanka cirka iyo kuwii gantaalaha culus ee ay xulafada Maraykanku ku ridayeen magaaladaasi mudadii sideeda bilood ahayd ee uu dagaalku ka socday  ay keentay inay guud ahaan dumaan dhismayaashii dadweynaha iyo kuwii dawlada ee ku yaallay galbeedka magaalada Mousel, halka sidoo kale ay warbixintu  qayb ka mid ah burburka magaaladaa gaadhay dusha ka saartay qaraxyadii ay dhulka ku aasayeen kooxda daacish.

Hay’adani dhanka xuquuqul aadanuhu waxa ay sheegtay in dhismayaashaa dumay laga soo hoos saaray meydadka 2 kun oo ruux oo magaalada deganaa, isla markaana dacwad lagu oogi doono taliyayaasha ciidamada isbaahaysiga oo aan u kala aabo-yeelin dadkii rayidka ahaa iyo maleeshiyadii kooxda daacish, waxana ay hay’adu ugu baaqday Raysalwasaare Xaydar Alcibaadi inuu furo baadhitaan lagu ogaanayo tirada rasmiga ah ee dadkii rayidka ahaa ee Magaaladaa Lagu dilay.

Comments are closed