Hay’adda Amnesty International Oo Dowladda Ruusha Ku Eedaysay Inay Xasuuq Ka Gaystay Dalka Suuriya
Geneva,23Dec,2015(QJ/SDN)-Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedeysay dowladda Ruushka inay geysteen xad-gudubyo aadanaha dhan ka ah, iyadoo hay’addu ay soo bandhigtay caddeymo muujinaya in duqeymihii uu Ruushku ka geystay Suuriya lagu dilay 200-qof oo shacab ah.
Amnesty ayaa xustay in cilmi-baadhis lagu ogaaday in diyaaradaha Ruushka ee dagaalka ay duqeymo ka geysteen shan goobood intii u dhaxeysay 30-kii bishii September illaa 29-kii bishii November ee sannadkan ay ahaayeen kuwo ay ku nool yihiin dad rayid ah.
Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in in diyaaradaha dagaalka Ruushka ay duqeeyeen guryo, isbitaalo, suuq iyo masaajido; kuwaasoo geystay dhimasho iyo dhaawacyo soo gaartay dad rayid ah.
Natiijada baadhitaan ay sameysay ha’yadda Amnesty International ayaa waxaa lagu sheegay in tani ay muujineyso fashil la xidhiidha sida dowladda Ruushka aanay u ixtiraamayn sharciga caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha.
Geesta kale, Dowladda Ruushka ayaa ku cel-celisay in duqeymaha ay kawaddo gudaha dalka Suuriya ay ku bar-tilmaameedsadeen kooxo jihaadiistayaal ah oo aan rayid ahayn, kuwaasoo ay xustay inay khatar ku yihiin amniga caalamka, Balse illaa hadda waxa la rumaysanyahay in dowladda ruushku ay xasuuq ba’an ka gaysatay goobo badan oo dadka rayidka ahi ay degaan.
Ugu deambeyntii, bishii September ee sannadkan ayay ahayd ka dib markii ay dowladda Ruushku ka billlowday dalka Suuriya duqeymo, kuwaas oo ay sheegtay inay ku beegsanayso saldhigyada DAACISH.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Ruushka ayaan weli dhag jalaq u siin wax eedeymaha ay u soo jeedisay hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ee ah inay dad shacab ah ku laayeen duqeymaha ay kawadaan Suuriya.