Hay’adaha Warbaahinta Dunidda oo Iftiimisay Ahmiyadda Heshiiska Horumarinta Dekadda Berbera Ee ay Wada Galeen Somaliland & DP World
Dubai 07.Sep 2016 (SDN/QJ):-Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta, ayaa sheegtay inay Isniintii qalinka ku duugeen heshiis rasmi ah oo lagu casriyaynayo dekadda Berbera oo ay la gashay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.
Wargeyska weyn ee caanka ah ee The World Street , ayaa warbixin dheer ka qoray heshiiskan iyo ahmiyadiisa, waxaanay u qornayd warbixintaasi sidan:-
“Shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee DP World ayaa sheegtay Isniintii toddobaadkan in ay ku guuleysatay heshiis lagu horumarinayo, laguna maamulayo dekadda Berbera ee Somaliland, iyada oo lagu soo darayo qeybo caalami ah oo ka badan 75 terminal.
Waxa ay intaa raacisay in heshiiska dhex marey Somaliland iyo shirkadda DP uu soconayo muddo soddon sanno ah, lana sii fidinayo 10 sanno oo hor leh..
Heshiiskani oo ay tebisay jariiradda ‘The Wall Street Journal’ waxa ay sheegtay in Shirkadda DP world, arrimaha maamul, ay u soo raaceyso maalgelin gaadheysa $442 million taas oo qorshuhu yahay in la sii fidiyo kaabayaasha dekadda. DP World waxa ay intaa ku dartey in qeybuhu ku tiirsanaan doonaan dekadda qaadkeeda.
Shirkad ahaan DP World, waxa uu heshiiskani siinayaa bugcad cusub iyo marin badda cas ah kanbalka u ah dekedeeda Djibouti ee Geeska Afrika.
Shirkadda ayaa heshay bishii hore kor u kac dhan 50.2% faa’iidada kala badh ahaan qeybtii ugu horeysay iyada oo lagu darey awoodeeda iyo inta ay gaadhsiisantay ee la oggol yahay.DP World waxa ay ka mid tahay howl wadeenada ugu waaweyn ee dekedaha caalamka gacanta ku haya, waxayna maamushaa terminaallo badda iyo berrigaba ah oo ku yaal lixda qaaradood.
Waxa kale oo dhawaan ay hantidey awoodo cusub oo ah suuqyada sida ka Turkiga ee Yarimca, suuqa Stuttgart ee Jarmalka iyo Prince Rupert oo ah Canada iyo kan dekadda ku taal dalkeeda ee Jebel Ali.”
Sidoo kalena, Wargeyska caanka ah ee Gulf News, ayaa isaguna qormo dheer ka diyaariyay heshiiska DP World iyo xukuumadda Somaliland, waxaanu warbixin dheer oo uu ka qoray casriyaynta dekadda Berbera ku bilaabay: “DP World oo ku guulaysatay inay damaanad qaado Horumarinta dekadda Berbera ee ku taalla Badda cas.”
Wargeysku waxa uu intaas ku daray in heshiiskan ay ku baxayso lacag dhan $442 Milyan oo Doolar, iyadoo la sameynayo dekad kale oo 400 oo mitir ah isla markaana tii hore lagu kordhinayo 250.000 sqm yar.
Gulf News, waxa uu ka soo xigtay Guddoomiyaha shirkadda DP World Sultan Ahmad Bin Sulayem, Group Chairman, “Horumarinta dekadda Berbera waxay kaalin weyn ka qaadan doontaa horumarinta Somaliland iyo xataa dhaqaalaha mandaqadda Geeska afrika ee aan lahayn Baddaha.
Shabakadda caalamiga ah ee World maritime news, ayaa iyaguna si weyn u qaadaa dhigtay ahmiyadda heshiiskan, waxaanay ka qortay qormo ay ciwaan uga dhigtay : “DP World oo kor ugu qaadaysa horumarinta adeegyadda dekadda Berbera adduun dhan 1.2 Bilyan oo Doolar oo ay heshiis kula gashay Dawladda Somaliland.”