|

Hay’adaha Samafalka oo Walaac Xoogan ka Muujiyay Xidhitaanka Kenya ee Xawaaladaha Somalida

Nairobi 12.April 2015 (SDN/QJ)- 15 hay’ado samafal ah oo qaarkood ka howlgala Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey xiritaanka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Kenya.

lacagWar saxaafadeed ay si wadajir ah ay u soo saareen hay’adaha ayey ku sheegeen in xawaaluduhu ay adeegyo muhim u hayaan dadka Soomaalida ee ku nool gudaha dalka, islamarkaana ay lacagaha isugu diraan qoysaska Soomaaliyeed si ay noloshooda u maareeyaan.

NGO-yada caalamiga ee soo saaray warkan waxaa kamid ah Adeso, OXFAM, CARE, World Vision iyo DRC.

Hay’adaha ayaa sheegay in xiritaanka xawaaladaha ay keeneyso in qoysaska badan ay wayaaan meesha kaliya ee loo soo marsiiyo biilashadooda, sidoo kale waxay tilmaameen in ay xiritaankooda ay saameyneyso howlaha bani’aadanimo ee ay hay’aduhu ka wadaan Soomaaliya.

Hay’adaha samafalka  laf ahaantooda, ayaa xawaaladaha u isticmaalo bixinta mushaaraadka shaqaalaha, qandaraaslayaasha iyo gudbinta gargaarka.

Ururrada ayaa sheegay in xawaaladaha la xiray ay si sharci ah u gudbinayeen lacagaha ay Soomaalidu isu diraan, sidaa daraateedna waxay dowladda Kenya ka dalbadeen in ay u dib u fasaxdo.

hadliyeDhanka kale Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa magaalada Nairobi kula kulmay qaar ka tirsan ganacsatada Soomaalida ee dalka Kenya , gaar ahaan milkiilayaasha xawaaladaha ay dhawaan xirtay dowladda Kenya.

Laakiin Danjirihii Safaaradda Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Americo ayaa maanta Bar-kulan u sheegay in Hadliye uu la kulmay dhiggiisa Kenya Aamina Maxamed, uuna kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xiritaanka xawaaladaha, laakiin ma uusan sheegin kulan uu la qaatay gaanacsatada.

Hadliye ayaa dowladda Kenya ugu tacsiyeeyay dadkii lagu dilay weerarkii ay sheegatay Al-Shabaab ee labadii bishan lagu qaaday jaamacadda Garissa.

Waxaa jira warar sheegaya in mar kale ay kulmi doonaan Cabdisalaam Hadliye iyo ganacsatada Soomaalida ee dalka Kenya.

Sannad kasta Soomaalida dibadda ku nool ayaa $$1.3 billion u diro Soomaaliya, tani waxay ka dhigan 25% dhaqaalaha dalka.

Dowladda Kenya ayaa 7-dii bishan ku dhawaaqday in ay xirtay 13 xawaaladood oo kuwa Soomaalida ay ku jiraan iyo 86 koontooyin dad ay Kenya sheegtay in ay kaga shakisay in ay maalgeliyaan Al-Shabaab.

Go’aanka ayaa yimid kaddib weerarkii ay Al-Shabaab Khamisitii hore ku qaadday jaamacadda magaalada Garissa.

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed