|

Hay’adaha Caalamiga ah oo qarka u saaran in ay Somaliland ka guuraan

Hargeysa. 4 August, 2022. (QJ)- Somaliland waxa sii kordhaysa walaacyada ammaan ee ay qabaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee dalka ka haw-gala, iyadoo 30 sanno kadib taariikhda markii ugu horaysay ay hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland degen ay qaarkood qorshaynayaan in ay meel kale u guuraan, kadib cabsi ammaan oo lasoo daristay.

Farriimo ay hay’adaha qaar u direen shaqaalaha gudaha Somaliland ka shaqeeya ayaa lagu arkay in ciidamadii ilaalada u ahaa laga qaaday qaar ka mid ah, taas oo keenaysa cabsida ah in xafiisyada la iman waayo.

Waa tusaale kooban oo laga arki karo natiijada hordhaca ah ee khilaafka siyaasadeed ee culus ee imika ka taagan Somaliland, kaas oo laga cabsi qabo in uu horseedo hubanti la’aan siaasadeed iyo mid amni. 

Waaxda Qaramada Midoobay ee ammaanka iyo badbaaada ayaa ku war galisay dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliland ku sugan gaar ahaan caasimadda in ay ka feejignaadaan xaaladaha amni ee maalmaha soo socda, iyadoo la filayo dibad baxyo waawayn oo mucaaradka Somaliland ah dhigaan, kuwaas oo lagu dalbanayo in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan.

UNDSS waxay sheegtay in ciidamada SPU ee ilaalada u ahaa xarumaha Qaramada Midoobay laga qaaday isla markaana lagu daray booliska loo qorsheeyay in ay joojiyaan dibad baxyada salmiga ah ee shacabka Somaliland ay dhigayaan maalmaha soo socda sida qorshaha mucaaradku yahay.

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in arintani ay sumcad xumo wayn ku tahay Somaliland oo dunida u sheegta in ay tahay boqcad gobolka kaga soocan xasiloonida iyo doorashooyinka xorta ah, iyadoo labadaasiba ay hadda wajahayaan hubanti la’aan.

Ciidamo badan ayaa heegan la galiyay gudaha Somaliland kuwaas oo xukuumaduu ay u qorshaysay in ay ka hor tagaan dibad bax kasta oo ay dadku dhigayaan.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo saaka warbaahinta Hargeysa kula haday ayaa faray ciidamada ammaanka in ay joojiyaan dibad baxyada oo uu ku tilmaamay kuwo shaci daro ah.

Comments are closed