|

Ha’yada shaqaalaha dawlada Somaliland oo wasaaradaha u gudbisay natiijo Imtixaan dhawaan ay qaaday

Hargeysa Mar 11,2012(SDN)-Mas’uuliyiinta Hay’ada Shaqaalaha dawlada ayaa Maanta Gudoonsiiyay Qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa banaan ee dawlada Nuqul buug ah oo lagu soo koobay natiijada imtixaankii Qiimaynta Shaqaalaha ka hawlgala.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Faysal Cali Sheekh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil iyo madax kale oo la socday.

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Mudane Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil ayaa  wasaaradda warfaafinta uga mahad celiyey doorka ay ku lahaayeen  habsami u socodsiinta hawlaha ay u xilsaaran tahay hay’ada shaqaalaha dawladu  isla markaana ay si dadban ugula qayb qaateen gudashada waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan.

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada oo sharaxayey waxyaabaha ilaa hadda ka soo baxay natiijooyinka imtixaankii qiimaynta waxa uu sheegay in la helay shaqaale rasmi ku ah hay’adaha dawladda ee kala duwan, halka sidoo kalena uu Gudoomiyuhu xusay inay  ay shaqaalaha laftoodu kor u qaadeen  aqoontooda wixii ka dambeeyey markii  imtixaanka la bilaabay , isagoo intaas raaciyay in shaqaalihii u dambeeyey ee Imtixaanka laga qaaday oo tiradoodu dhamayd 420 ay ka dhaceen 5 qof oo keliya.

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Mudane Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil  oo munaasabadaas kaga  warbixiyey qorshayaasha hay’adda shaqaalaha ee sanadkan 2012, waxa uu cadeeyey inay qorshaha ku darsadeen sidii loo kala saari lahaa shaqaalaha rasmiga noqday iyo sidii  loogu kala samayn lahaa Derejooyinka  A 9 ilaa A 1 iyo sidoo kale B 9 ilaaB 1 ama C 9 ilaa C 1,

Waxa uu Gudoomiyuhu hoosta ka xariiqay in la xadidi doono xuquuqda shaqaalaha gaar ahaan kuwa  hawlgabka noqda iyo kuwa geeriyooda. Taasoo ay dheer tahay sida uu sheegay abaal marino la siin doono shaqaalaha mas’uuliyadooda ka soo baxa, waxa uu Gudoomiyuhu intaas ku daray inay  wasaarad waliba u samayn doonto  meel laga helo xogtooda oo dhamaystiran .

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalahu waxa uu agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta si rasmi ah u gudoonsiiyey Nuqul ka mid  ah Buuga ay ku dhan tahay natiijada Imtixaankii qiimaynta shaqaalaha wasaaradda warfaafinta .

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ee JSL Mudane Faysal cali Sheekh oo kulankaasi ka hadlay waxa uu hay’adda shaqaalaha dawladda uga mahadceliyey hawsha qaran ee ay hayaan .

Faysal Cali Sheekh waxa uu sidoo kale ku amaanay hay’ada shaqaalaha dawlada sida ay kor ugu qaadeen Niyada  shaqaalaha taasina ay sababtay inay shaqaalaha laftoodu dadaal muujiyaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ee JSL oo sharaxaad ka bixiyey qorshayaasha Xukuumadda ee ku aaddan kor u qaadista xirfadda iyo nolosha shaqaalaha dawladda.

Wasaarad ahaan waxaanu ku guulaysanay buu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafintu inay TV-ga qaranka daawashadiisa caalamka oo dhan wada gaadhsiiyaan hadana ay wadaan dhismahii xarunta idaacadii dalka oo dhan wada gaadhi lahayd oo dhowaan dalka soo gaadhaysa.

La taliyaha wasiirka warfaafinta Engineer Maxamed  Maxamuud Xasan Mijir oo dhowaan ka soo laabtay mandaqadda aasiyada fog gaar ahaan wadanka China oo laga soo qaadayey Idaacadda weyn ee dalka la keenayo ayaa warbixin kooban ka bixiyey idaacadaas oo uu ku sheegay inay tahay 100 KWT ah oo ay farsamaysay shirkad caan ah oo caalamka oo dhan u kala dirta agabka ay farsamayso.

Kulankaasi ka bacdi mas’uuliyiinta labada dhinac waxay kormeer wada jir ah ku mareen Hoolka Tiyaatarka wasaaradda warfaafinta oo uu ka socday Imtixaan aqoon korodhsi ah oo laga qaadayey shaqaale ka tirsan wasaarada warfaafinta oo muddo labo bilood ah waxbarasho xidhiidh ah ku soo jiray.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawlada Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil  ayaa kormeer kan la mid ah waxa uu ku soo maray Wasaarada Maaliyada,Hanti dhawrka Guud,Xisaabaadka iyo hay’ada Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa .

 

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed