|

Hay’ada Shaqaalaha Dawlada oo Hakisay Imtixaan ay ka qaadi lahayd Shaqaale ay Wasaarada Arrimaha Guduhu Qaadan lahayd

Hargaysa 15.Feb 2014 (SDN)- Hayada shaqalaha  dawlada  ayaa maanta dib u dhigtay  imtixaan ay ka qaadi lahayd  shaqalihii ay qaadanaysay wasarada arimaha gudaha somalilnd.

 

NUUX SH.Gudoomiyaha  hayada shaqalaha  dawlada Md Nuux Shuukh Muusu Decaale  ayaa maanta mar uu saxafada la hadalyayeuy waxa uu sheegay  in dadka CV-yada u soo xeraystay  boosaska shaqo ee ka banaan  wasarada arimaha gudaha  ay gaadhayaan  tiro aad u badan    oo gadhaysa ilaa 4000. Oo qof    halka looga baahnaa 40 qof oo shaqale ah oo keliya, sidaa  awgeedna ay hayada shaqaalahu ay go’aan satay  in si habsami ah ay u kala saarto shahadooyinka iyo dukmanteriyada  ay tirada  intaa leegi soo xeraysataan   taasina  ay keentay in mudo kooban dib loo dhigo imtixaamka oo   markii hore loo mudeeyay    in uu maanta qabsoomo.

Gudoomiyuhu waxa uu shaaciyey in  imtixaamku qabsoomi doono maalinta isniinta ah ee fooda inagu soo haysa   oo ay  taariikhdu noqonayso 17/02/2014}

Dhanka kalena   gudoomiyaha hayayda shaqalaha dowlada  ayaa  dhalin yarada shaqo doonka ah ugu baaqay  in ay nasiib kooda ka qaadaan imtixaamka tartanka loogu jiro  iyadoo gudoomiyuhu u rajeeyey nasiib wanaag iyo guul dhalinyarada u tartamaysa boosaska shaqo ee ka banaan wasarada arimaha gudaha.

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed