Hay’ada Samafalka African Relief oo Somaliland ka dhooftay
Hargeysa Mar 28,2012(SDN)-Madaxda Xafiiska samo falka Madaxtooyada Somaliland ayaa Maanta sii sagootiyay wefti ka socday hay’ada African Relief ee wadanka Kuwayt oo socdaal hawleed in mudo ah ku joogay Somaliland .
Maareeyaha Xafiiska Samofalka Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye ayaa tilmaantay waxyaabaha ay ka filayaan inay hay’adan African Relief ee dalka kuwayt ay ka caawiso Somaliland waxaanay sheegtay in hay’adani ay mashaariic wax ku ool ah ay ka fuliyeen Wadanka aynu dariska nahay ee Jabuuti isla markaana ay ka balan qaadeen inay Somaliland ka hirgaliyaan Goobo Caafimaad,Xarumo lagu daryeelo caruurta iyo warshado yar yar.
Maareeyuhu waxay intaas ku dartay in weftigan ka socda hay’adani ay kormeer ku soo mareen deegaamo badan oo dalka ah iyadoo sheegtay in hay’adani ay dhul weyn ka iibsatay caasimada dalka ee hargaysa si ay u noqoto barkulanka mashaariicdooda .
Aamina Maxamud Diiriye waxa ay xustay in mashruuca ugu weyn ay ka faa’iidaysan doonaan bulshada Somaliland isla markaana dhalinyarada u abuuri doona xirfado shaqo abuuriseed.
SDN-Hargeysa