|

Hay’ada Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadaamaha ee Amnest International oo Sheegtay in Mileteriga Myanmar ay Miinooyin Dhulka Ugu Aaseen Qaxoontiga Rohinga & Khasaaraha ka Dhashay

New York 12. September 2017 (SDN/QJ):- Hayada Amnest International ayaa  ku eedaysay milatariga Maynamer inay miinooyin u aaseen qoxoontiga Qoomiyada Rohingya ee ka qaxaya dalkaasi. Qoxoontigan ayaa ka soo cararaya dilal iyo tacadiyo ay u geysanayaan ciidamada dalka Maynamer.

Sida laga soo xigtay hayada ugu yaraan laba qof ayaa ku dhawaacmay markii ay la qaraxay miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ay dhigeen milatariga Mynamner.

Dawlada Maynamer ayaa ku dhawaaqday in aanay la xaajoonayn jabhada u dagaalanta qoomiyada Rohingya oo hore xabbad joojin iskeed ugu dhawaaqday.

Qoraal ay soo saartay dawladu ayaa lagu sheegay in aanay la hadli doonin koox aragagixiso ah.

Comments are closed