Hay`ada Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee Msf oo shaqaalaheeda ajnabiga ah Xaalad Ammaan Darteed ugala baxday Gobolka Togdheer
Nairobi:14-Aug-2013 (SDN)Dhaqaatiirtii ajnebiga ee hay’adda MSF Belguim ayaa ku dhawaaqay inay Gebi ahaanba shaqadii ay ka hayeen Magaalada Burco iyo Guud ahaanba Gobolka Togdhee, iyagoo shaqaalahoodii anaajibka ahaa u ambabixinaya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Isku duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer, Dr. Cabdi Yaasiin Xaaji Saleebaan ayaa sheegay in dhammaan shaqaalihii ajnebiga ee ka howlgalayay isbitaalka Burco laga dhoofiyay magaalada Burco.
Wuxuu sheegay in hay’adda ay wasaaradda caafimaadka ku wargelisay in si ku-meel-gaadh ah ay dhaqaatiirteeda ajnebiga ah uga saareyso magaalada Burco.
Dr. Cabdi Yaasiin ayaa sheegay in dhaqaatiir Soomaali ah ay wali ka howlgayaan isbitaalka, kuwaas oo la sheegay inay hay’adaasi siin jirtey mushaharka ay ku shaqeeyaan.
Madaxa ugu sarreeya Hay’adda MSF Dr Unni Karunakara oo Goor dhaweyn shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi, ayaa sheegay inay shaqaalahoodii kala baxeen Guud ahaanba Somaliya, isagoo si gaar ahna u sheegay inay Deegaanka Burco ka joojiyeen wixii ay shaqo ka hayeen.
Mr Umni Karunakara ayaa ku sababeeyey ka bixitaankooda dhulka koonfurta, badhtamaha iyo Bariga Somaliya xaalad ammaandarro oo soo food-saartay shaqaalahooda, isagoo tusaale u soo qaatay tiro shaqaalahooda ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay qaarna loogu afduubtay deegaanada Soomaalidu degto.
Hay’adda MSF Belguim ayaa ka howlgaleysay isbitaalka weyn ee magaalada Burco tan iyo horraantii 2011, iyadoo howlo caafimaad ka fulin jirtay isbitaalka.
Arrintan ayaa waji gabax ku ah guud ahaanba xukuumadda Somaliland oo ku faanta inay Guud ahaanba dalkeedu nabad yahay oo aanay jirin wax dhibaato ah oo ka jirtaa, waxana ay arrintani sidoo kale warwar gelin kartaa Ha’yadaha kale eek a shaqeeya Somaliland.
Masuuliyiinta amaanka Somaliland u qaabilsan ayaa laga sugayaa inay jawaab cad ka bixiyaan amaan-darrada ay ha’yadani sheegatay, waxana jira shacab badan oo hay’adani gaar ah u xannaanayn jirtey oo ku noolaa Gobolka Togdheer oo Haatan u muuqda inay dhakhaatiir la’aan ku dhacayaa.
Axmed Cumar Axmed (timo)
Hargeysa/Somaliland.
Somalidiasporanews.com