Hay’ada Cunada ee Qaramada Midoobay ee WFP oo Dhimaysa Raashinka ay Siiso Qaxootiga ku Jira Xeryaha Qaxootiga
Nairobi 01.Novenbar 2013 (SDN)- Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa shaaca ka qaadday shalay inay labaatan boqolkiiba dhimi doonto cuntada ay siiso 535 kun oo qof oo qaxooti ah oo ku nool xeryo ku yaalla dalka Kenya.
Cunto dhimista ayaa billaaban doonta maanta oo ay koow tahay bisha November, si ay hay’addu keydkeeda cunnada u gaarsiiso ilaa dhammaadka sanadka.
Hay’adda ayaa cunno dhimista u sababeysay dhaqaale yari soo wajahday.
Agaasimaha WFP ee Kenya Ronald Sibanda ayaa ka codsaday deeq-bixiyeyaasha inay gacan ka gaystaan sidii ay raashin ay nolol-maalmeed ka dhigtaan u heli lahaayeen boqollaal kun oo qaxooti ah oo ku tiirsan cunnada ay siiso hay’adda.
WFP waxay sheegtay inay bil kasta u baahan tahay $10 milyan si ay raashin 10 kun oo tan ah u gaarsiiso qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya, oo u badan dad Soomaali ah.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com