Hay’ad Somaliland Ka Hawl-gasha Oo Shaqaale Badan Uga Eriday Shaqooyinkii Ay Hayeen Tukashada Salaada Iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Ka Warbixiyey Arrintan
Hargeysa 12. February 2017 (SDN/QJ):- Qoraalo sir ah oo dhawr nuqul ka kooban oo Cabasho ah oo Wargeyska Foore helay ayaa waxa ay shaqaalaha Hay’addaha DDG iyo DRC cabasho kaga muujiyeen Madaxda ajaanibka ah ee Hay’addahaasi oo qaab anshaxa ka baxsan u faro galiyay diinta Islaamka, Aflagaado ay diinta islaamka u gaysteen iyo Shaqaalihii Tukunayay oo ay shaqada ka caydhiyeen,Waxaanay ay Qoraalkooda ku xuseen magacyada Masuuliyiintaasi iyo Wadamo kale oo soomaaliya ka tirsan oo arimo caynkan ah looga soo caydhiyay.
Qoraalkan cabashada ah ayaa waxa ay Shaqaalaha Hay’addahani ku socodsiiyeen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, iyo Wasaaradda Shaqada,Waxaanay Ogaysiin siiyeen Wasaaradda Qorshaynta Qaranka. Waxa ay kaga sheekeeyeen qaabka anshuxumadani ku timid iyagoo sheegay inay Hawshani ka bilaabantay Dirawal ka tirsan Hay’addaha DDG Iyo DRC oo maalin maalmaha ka mid ah garoonka diyaaraha kaga hortagay Madaxa Hay’addaasi Mrs NICOLA NAIDU,taasi oo ka xanaaqday salaad Duhur oo uu kaga yar habsaamay,sida ay qoraalkoodu ku xuseen,Waxa ay Haweenaydani ku canaanatay dirawalkaasi Ficilkaasi uu sameeyay, waxaanay gaadhiga soo garaacaysay illaa Airport-ga iyadoo daaqada gaadhiga laag la soo dhacaysay illaa ay ka soo gaadhayeen Xarunta hay’addaasi kaga taalo Magaaladda Hargeysa,waxaanay markiiba ku oogtay Dirawalkii Dacwada,iyadoo markiiba shaqada ka eriday,Waxaanay Arintaasi keentay inay shaqaalihii kale ka xanaaqaan falka Ninkaasi islaamka ah loogu gaystay wadankiisii.
Sidoo kale Waxa ay qoraalkan sirta ah ee Wargeyska Foore helay ku xuseen shaqaaluhu in Ku xigeenka Hay’addaasi oo lagu magacaabo DAVID SELBY uu isaguna ku kacay fal dambiyeed la mid ah ka ay ku kacday Haweenayda ka saraysa,Waxa ay sheegeen in isaguna la fikir yahay haweenayda oo uu aad u neceb yahay Tukashadda salaada Islaamka, islamarkaana uu maalin maalmaha ka mid ah iyadoo shaqada lagu jiro uu si badheedh ah u aflagaadeeyay Eedaan salaad ka baxayay Masjid yar oo ku dhex yaala Xarunta Hay’addaasi oo ay shaqaaluhu ku tukadaan, Waxa ay ka soo wariyeen oo uu ku tilmaamay Eedaan markaasi ka baxayay Masjidkaasi kalmado ay ku xuseen qoraalkooda dacwada ah oo u dhignaa sidan“IT IS AWFUL” oo Macnaheedu tahay “Xumaa WAXANI”,kaasi oo uu ula jeeday Eedaanka,waxaanay hadaladaasi iyo Falal kale oo ay ku kaceen Masuuliyiinta Hay’addaha DDG iyo DRC abuureen kacdoon shaqaale,iyagoo shaqaaluhu cabasho ka muujiyay farogalinta ay Madaxda Hay’adaasi u gaysanayaan Diinta Islaamka,Waxaanay arintaasi awgeed shaqada looga caydhiyay ugu Yaraan 15-shaqaale ka ahaa Hay’addahaasi.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyatire) oo Wargeyska Foore la xidhiidhay shalay,Waxna ka waydiiyay arintani ayaa sheegay inay arintaasi soo gaadhay oo ay gacanta ku hayaan,Waxa uu si kooban u sheegay inay Bari warbixin ka soo saarayaan arintaasi,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Arintaasi way jirtay baryahanba,Hadday tahay Wasaaradda Arimaha Bulshada,Hadii ay tahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta,iyo Wasaaradda Qorshayntaba,way jirtay in Hay’addaa lafteeda,DDG iyo DRC,Markaa maanta ayaanu isku nimid,wasaaradahaasi oo dhan,iyo Qolidii Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista,iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha oo iyaduna qayb ka ahayd,Hay’addii oo labadii Dhinac ah,Markaa Go’aan ayaanu qaadanay,Go’aankaasi waxaanu sii daynaynaa Aroorta Insha Allah,go’aankaasi aanu ka qaadanay intayadii masuuliyiinta ahayd,Xiitaa Masuuliyiintii laanta socdaalka ayaa Kulankan joogay,Taliyihii immigration-ka,iyo Ku xigeenkiisii Kuli way joogeen,markaa Bari ayaanu soo saaraynaa”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay.