Hay’ad Caalamiya Oo Sheegtay In Haweenay RRU-du kala baxeen Guri ku Yaalla Berbera Loo Heysto Inay Xidhiidh La Samaysay Maleeshiyo-beeleed Ku Eedeysan Dilka Taliyihii Booliska Saaxil
Nairobi, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Hay’adda Calaamiga ah ee u Doodda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International, ayaa cambaraysey Xadhig Ciidammada Booliiska ee Gobolka Saaxil kula kaceen 12-kii Bishan March Haweenay Magaceedu yahay Saado Jaamac Aadan, taasi oo Xilli habeennimo ah Ciidammada la dagaalanka Argagixisada ee RRU-du Gurigeeda kala baxeen.
Hay’addu waxay sheegtay in Haweenaydan Xadhiggeeda loo maray sifo aan Sharci ahayn, maaddaama bay tidhi Hay’addu aan soo qabashada Haweenayda loo adeegsan Waaran Maxkamad ka soo baxay.
War-saxafadeed ay soo saartay Hay’adda Amnesty International oo fadhigeedu yahay Magaalada London, ayaa waxay baaq ugu dirtay Xukuumadda Somaliland oo ay ka dalbatay in si dhakhso ah loogu ogolaado Dadka ehelkeeda ah ee booqashada ugu tagaya iyo Qareenkeedaba.
War-saxaafadeedka Hay’adda Amnesty International oo aanu Af-Soomaali idiinku soo Tarjunay ayaa u dhignaa sidan, “Marwo Saado Jaamac Aadan oo Qof Shicib ah, ayaa Ciidamada Booliiska Somaliland ay xidheen isla-markaana la hor-geeyey Maxkamadda Ciidanka, waxaana loo diiday in ay booqdan Qareenkeeda iyo in damanad lagu sii dayo iyado wakhti xaadirkan ay ku xidhan tahay Saldhigga dhexe. Marwo Saado Jaamac Aadan ayaa laga soo xidhay gurigeeda Saacaddu marka ay ahayd 10:30 Habeennimo iyado Marwadu ku sugnayd gurigeeda Magaalada Berbera, xadhiga Marwo Saado Jaamac Aadan oo aan loo marin sifo sharci ah maaddaama oo lagu soo qabtay Waaran la’aan, wuxuu ka hor-imanayaa Qodobka 25, faqraaddiisa 2ad ee Dastuurka Somaliland oo caddeynaya in aan qofna la xidhi karin, baadhi kaarin oo la’hayn kaarin isagoo wakhtigaa fal-dambiyeedka Gacanta kula jiriin, Iyadoo aan Booliisku haysan waraaq qabasho ah oo uu saxeexay Garsoore Maxkamadeed mooyaane. Waxaana loo soo gudbiyey saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa oo masafo ahaan uu jirta 190KM Magaalada Berbera, waxaana lagu eedeynayaa Marwo Saado Jaamac Aadan inay xidhidh dhinaca isgaadhsiinta iyo lacag u diris ah la yeelatay Nin ka mid ah Maleeshiyo-beeleed lagu eedeeyay in ay ka dambeyeen Dilkii Taliyaha Booliska Gobolka Saaxil. Maxkamadda Ciidaanka Militeriga ah oo la hor geeyay Marwo Saado Jaamac oo bilaa garyaaqaan ah Taariikhdu ay ahayd March 13 isla-markaana loo diiday in damanad lagu sii dayo, waxaana Maxkamadaynta Qof Shicib ah isla-markana iyado bilaa garyaaqan ah taas oo xadgudub ku ah Dastuurka Somaliland, Maaddaama Maxkamadda Militeriga la hor geyn karo Qof ka tirsan Ciidanka Qalabka sida isla-markana ballan-qaadaya xuquuqda qof walba in uu helo Wakiil sharci iyo boqashada Ehelka ama Cid kasta oo codsata in ay booqdan iyado xaq lagu leeyahay Xukuumadda Somaliland ilaalinta iyo ku dhaqaanka dastuurka dalka uu yaala.”