|

Hay’ad Caalami ah Oo Walaac Ka Muujisay Nolosha Carruurta Da’da Yar ee Reer Kenya

Nairobi:Sep,21,2014(SDN/QJ)-Kenya ayaa lagu daray Dalalka ay sida joogtada ah ugu geeriyoodaan Carruurta Da’doodu ka Hoosayso Shanta Sano sida ay sheegayso Warbixin cusub oo dhawaan lasoo saaray.

uniceeeefSida ku cad warbixinta ay soosaartay UNICEF dowlada kenya ayaa ku guul daraysan karta hadafka la tiigsanayo 2015ka taasi oo ah in dhimashada caruurta ka yar 5 sano hoos loo dhigo saddex meelood labo meel.

Warbixinta ay soosaartay UNICEF ayaa sidoo kale muujinaysa in 1000 caruur ah ee kenya ku dhasha ay dhintan 70 ka mid ahi iyaga oo aan gaadhin 5 sano.

Dalka india ayaa ah dalka ugu badan ay ku dhintaan caruurta aan shanta sano gaadhin sidoo kale dalalkaasi waxaa ka mid ah najeria itoobiya iyo jamhuuriyada dimiquraadiga ee Gongo ayaa iyagana ka horeeya kenya e ay ku dhintaan caruurta badan ee ku dhinta iyaga oo ka yar shanta sano.

Dalk kenya ayaa ku jira kaalinta tobnaad ee dalalka caruurta badan ay dhintaan iyaga oo shanta sano ka yar.

Kenya ayaa hore u dejisatay qorshe la donayo in llagu yareeyo dhimashada carruurta yaryar, balse warbixintan ayaa dhirbaaxo ku ah horumarkii ay doonayeen inay ka gaadhaan qorshahooda dambe.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed