Hay’ad Baadha Aataarta Qadiimka Ah Oo Bariga Berbera Ka Heshay Goob Suuq Ahayd 5 Kun Oo Sano Ka Hor
Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Khadar Xaaji Yuusuf, ayaa ka warramay dedaal ay ku baadi-goobayaan Aataar Qadiim ah oo lagu sheegay inay meelo ka mid ah Somaliland ku duuggan yihiin, sida Berbera iyo Bullo-xaar iyo meelo kale.
Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Hay’ad Spanish ahi ka caawinayso baadhitaanka Aataarta Qadiimka ah, si marka la Daah-furo ay Dalxiiseyaashu u yimaaddaan Somaliland.
Wasiirka oo faahfaahinaya Goobaha baadhitaannada laga wado wuxuu yidhi “Waxaan Maalin dhawayd ka imid Bullo-xaar waxa laga qabtay Hawl badan oo Godad baa (laga helay), waxaana naga caawisay baadhitaanka Aataarta Qadiimiga ah Hay’ad Spanish ah, markaa waxaanu doonaynaa inaanu Bulshada u soo bandhigno war-bixinta wixii laga helay Saddex Meelood oo Hay’addaasi nagala hawl-gashay iyo meel noo dhiman. Saddexdaa meelood waxay ku kala meel Berbera ka xigta bariga oo la yidhaahdo Siyaaro iyo meelo kale oo Bullo-xaar ah oo ay 15 Maalmood hawsheeda ku jireen.”
Wasiir Khadar Xaaji Yuusuf waxa kale oo uu sheegay in meel bariga ka xigta Magaalada Berbera laga helay Buur uu ku sheegay inay Suuq ahayd Shan kun oo Sannadood ka hor, waxaanu yidhi “Buurta laga helay Berbera marka Cilmiga Aataarta lagu deraaseeyo waxay ahayd Goob Ganacsi oo Caalamka oo dhami iskugu iman jireen, Muddo Afar illaa Shan kun oo Sano ah, taasi oo macnaheedu yahay inay Laba Kun oo Sano ka horeysay Nebi Ciise (CS).”ayuu yidhi.