Hawlka Ka Dhanka ah Budhcad-badeedda Somalida Oo Muddo Kordhin Loo Sameeyey
Brussels:July,23,2014(SDN/QJ)-Midowga Yurub ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Hawlgallada ka dhanka ah Budhcad-badeedda somalida loo sameeyey Muddo kordhin.
Bayaankaas ayaa lagu sheegay in Hawlgalladaas la siiyey ilaa muddo gaadhsiisan December, 12,2016. Si meesha looga saaro Gebi ahaanba Kooxihii Badda Badda Geeska Afrika iyo Badda Hindia Ka Qawlaysan jirey oo Soomaali u badnaa.
Howlgalka Midowga Yurub waa mid lagula dagaalamayo Budhcad badeeda Geeska Africa tababarana lagu siinayo dowaladaha gobalka ku yaala si ay ula dagaalamaan Budhcad-badeeda afduubyada u gaysta Marakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya iyo kuwa Caalamiga ah, ayaa lagu yidhi bayaanka Midowga Yurub ay soo sareen.
Midowga Yurub ayaa tilmaamay in howlgalkiisu uu hada ka socdo Soomaaliya,Djabouti, Seychelles iyo dalka Tanzania.
Howlgalka Midowga Yurub ayaa waxaa hogaaminayay laga soo bilaabo bishii July 2013, ninka lagu magacaabo Etienne de Poncins, waxa howlgalka si toos ah ugu shaqeeya 80 shaqaale caalami ah iyo 13 daakhili ah iyadoona xaruntiisa dhexe ay ku taalo dalka Jabuuti sida qoraalka Midowga Yurub lagu tibaaxay.
Bayaanka Midowga Yurub ayaa sidoo kale lagu xusay in aduun lacageed oo gaadhaya 11.9 Million ay ku baxday howlgaladdooda laga soo bilaabo bishii November sanadkii tagay ee 2013 ilaa bishii October ee sanadkan 2014 ee aynu ku jirno.
Biyaha Soomaaliya ayaa mudo sanad ah waxaa ka socda howlgal loogu magacdaray la dagaalanka Budhcad-badeeda Soomalida ah,waxaana xiligan mudo kordhinta loo sameeyay ay ku soo beegmaysaa xili dhawaan daraasad ay sameyeen jaamacada Oxford iyo Machadka King college ee London ay sheegeen in qaabka ugu fudud ee lagu cidhibtiri kara Budhcad-badeeda Soomaalida ay tahay in lacago la siiyo odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadda ay ka soo dulaan tagaan Budhcad-badeeda Soomaalida ahi.
Tallaabada lagula dagaamayo Budhacadda Badaha somalida ayaa dunida looga arkaa tallaabo Guulaysatay, waxana Meesha ka Baxay Casidii iyo Warwarkii ay Gaadiidka Caalamiga ah ee Badda maraa Qabeen muddooyin badan iyo Afduubkii Maraakiibta ee Joogtada ahaa.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com