Hawlihii Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga ee Magaalada Juba ee Konfurta Sudan oo Weli albaabadu u laaban yihiin Iyo Dawanka Rasaasta oo Xoog ku socota
Juba 17.Dec 2013 (SDN)- Maalintii labaad ayaa waxaa xiran ganacsiga magaalada Juba ee caasimadda dalka Koonfur Sudan kaddib markii mar kale saaka magaalada is-rasaaseyn ay ku dhex martay ciidan taageersan madaxweyne Salva Kiir iyo kuwa ka soo horjeeda.
Soomaali badan ayaa ku ganacsata magaalada Juba ee caasimadda iyo magaalooyinka kale ee dalka Koonfur Sudan.
Najib Axmed Cilmi oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku nool magaalada Juba ayaa sheegay in maalintii labaad ay xiran yihiin xitaa ganacsiyada yar-yar.
Wuxuu tilmaamay inaysan suurtagal ahayn inay furaan ganacsigooda inta ay ka dageyso magaalada.
Khadka isgaarsiinta ayaa ah mid aanan wanaagsaneyn, sidoo kale madaxweynaha dalka Salva Kiir ayaa shalay sheegay inay fashiliyeen afgambi lagu ridi rabay dowladdiisa, wuxuuna ku dhawaaqay bandow billaabanaya 6-da fiidnimo ilaa 6-da aroornimo.
Juba SDN.
Qurbejoog.com