Hawlgalo ay Si Wada Jir ah Magaalada Muqdisho uga Fuliyeen Ciidamada Dawlada iyo Kuwa Amisom
Muqdisho 12.Aug (SDN) Ciidamada dowlada soomalia iyo kuwa midowga africa amisom ayaa habeenkii xalay waxa ey howgalo baaritaana ah si wadajir ah uga sameeyeen qeybo kamid ah degmada yaaqshid ee gobolka banaadir
howlgalkaan oo baaxadiisu balaarneedislamarkaana ey si wadajir ah ufulinaayeen ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa nabad sugida iyo ciidamada nabad ilaalinta midowga africa africa amisom ee jooga soomalia ayaa waxa ey ka sameyeen xafada juungal oo katirsan yaaqshid.
waxana ciidamada baaritankaas ey kusoo qabqabteen dad fara badan oo ku sugnaa xafada howgalka laga sameeyey ee juungal dedmada yaaqshid gobolka banaadir.
goobjooge lahadlay warbaahinta m/muqdisho ayaa waxa uu sheegay in holgalkaa tira dad ah lagu soo aqbaqabtay asagoona xusay in dadka lasoo qabtay eey ku jiraan macalimiin daganaa xafad ajuungal oo habeen kii xalay ciidamadu qabteen ayaga oo ku suagan guryahooda sida uu sheegay goobjooguhu.
laamaha kala gadisan ee dowlada gaar ahaan kuwa amaanka ayaa mudooyinkaan ku howlan dadaal dheerna ugu jira sugida amaan-ka iyo ka hortagida falalka amaan dari ee ka dhaca magalada caasimada ah ee muqdisha
waxana maalinimadii shalay kulan xasaasi ah oo arimaha amaanka lagu gorfeynaayo si wadajir ah uqaatay masuuliyiinta degmada gobolka banaadir iyo xubnaha baarlamanka soomalia kaas oo ka dhacay hotel City -place ee Magaalada muqdisho.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com