Hawlgallo Ballaadhan Oo Lagu Xidhxidhay Somali iyo Ajaanib Badan Oo Nairobi Ka Socda
Nairobi:01-02-2014(SDN)-Hawlgallo Ballaadhan oo Ilaa iyo Shalay ka Socday Magaalada Nairobi ayaa Lagu Xidhxidhay Dad Badan oo Ajaanib ah kuwaas oo somali badani ku jirto.
Howlgalka oo ciidanka Kenya ay ka sameeyeen waxaa lagu soo xidhxidhay Somali badan oo wali ku jirta Jeelasha, iyadoo la sheegayo in Baadhitaano lagu hayo.
Saraakiisha hormuudka u ahayd howlgalkani ayaa sheegay in dadkaasi aanay sii deyn doonin maadaama wadanka ay ku joogeen si sharci darro ah, islamarkaana la Waafajin doono shuruucda u taalla Dadka Sidan oo kale dalka ku soo gala.
Waxaa dhanka kale wararka ay sheegayaan in dadkaasi la xidhxidhay uu ku jiro Diblumaasi caan ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Diblumaasi Ilyaas Yuusuf Warsame oo kamid ah safaaradda Soomaalida Kenya ayaa kamid ah dadka ciidamada Amniga ay xabsiga u taxaabeen, waxana la sheegayaa in isaga Qudhiisa uu soo Galay shaki la xidhiidha inuu fudaydiyey soo Geli taanka Dadkan ee Dalka Kenya.
Hawlgallada ayaa la sheegayaa inay sii Socon Doonaan Ayaamaha Soo Socda, waxana haatan jirta Cabsi badan oo soo Foodsaartay Dadka Somalida ah ee Halkaas k dhaqan oo Haddidaad badan kala Kulma Ciidanka Kenya.
S.D.N