Hawlgalada la dagaalanka Burcad badeeda oo miro dhalay
London July 17,2012(SDN)-Hawlgalada ciidamada caalemiga ah iyo ciidamada sida gaar ka ah loo leeyahay ee la socda maraakiibta ganacsi ee mara badaha geeska Africa ayaa noqdey qaar hoos u dhigay afduubkii iyo werarada Burcad badeedu ku qaado maraakiibta.
Sida ay sheegtay hay’ada caalemiga ah ee badmaaxyada (IMB) oo warbixin ay soo saartay ku sheegtay in hawgaladu ay kala badh hoos u dhigeen weerarada Burcada Soomaaliya.
Burcada Soomaalida ee ka hawlgalada bada gacanka cadmeed iyo badweynta hindiya ayaa madax furasho ku helay aduun dhan $160 million dollar.
Ganacsata leh maraakiibta ayaa sheegay in ay weerarada Burcadu ay u geysteen khasaare dhan $ 7 billion dollar.
Burcad Badeeda ayaa sanadkii hore xiligan oo kale waxa ay weerareen 163 goor halka sanadkan ay burcadu weerartay 63 markab oo qura.
Warbixinta ayaa tibaaxeysa in hawgalada ciidamadu ay yihiin kuwa dhaka faariyay burcada,sidoo kale waxa warbixixtu sheegtay in ciidamada hubeysan ee la socota maraakiibtu qudhoodu gacan ka geysteen la tacaalida burcad badeeda.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com