|

Hawlgal lagu sifaynayo Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa oo ka bilaabmay Magaalada Burco

Burco 24.Nov 2013 (SDN)- Hay’ad miino baaris ah ayaa maanta howlo lagu baarayo miinooyin ku jira gudaha magaalada Burco waxay ka billaabaysaa xaafadaha magaalada.

miinoGuddoomiyaha gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland, Axmed Cumar Xaaji Cabdullaahi Xamarji, oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in hay’adda oo kaashanaysa shacabka magaalada ay billaabayso howlo miino baaris ah oo laga sameeyo dhammaan xaafadaha magaalada Burco.

Waxa uu sheegay in hay’addu ay wadato gadiidka cagaf-cagafta loo yaqaanno, iyada oo si toos ah u howl billaabi doonto Axadda maanta.

Waxa uu ugu baaqay shirkadaha isgaarsiinta, korontada, iyo dadka ganacsatada ah in ay gacan ka siiyaan hay’adda in ay baaritaankeeda u dhammaysato sida ugu habboon, isla markaana lagu caawiyo in la tuso meelaha looga shaki qabo in ay ku jiraan miinooyinka.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Tog-dheer ee maamulka Somaliland Axmed Xasan Cabdiraxmaan ayaa isaguna sheegay in goob kasta oo miino baarista laga samaynayo ay joogi doonaan ciidamada, si loo ilaaliyo howlaha nabad gelyada iyo shaqada laga fulinayo goobaha ay miinooyinka ku jiraan.

Dhowaanahan ayaa waxaa magaalada Burco ku soo badanayay dhibaatooyinka ay geysanayaan miinooyinka ku jira magaalada.

Burco SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed