Hawlgal balaadhan oo lagu talaalayo 2.6 Milyan Neef oo Wasaaradda Xooluhu Bilowday
Hargaysa 02.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahi Cali oo ay weheliyaan Masuuliyiin Wasaaraddaas ka tirsani, ayaa shaaca ka qaaday inay gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka u kala direen labaatan Kooxood oo Tallaali doona Xoolo uu Tiradooda ku sheegay Laba Milyan oo Neef iyo lix boqol oo Neef oo laga dawayn doono Cudurrada kala duwan ee Noocyada Xoolaha dalka ku dhaca.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Jaamac Maxamed Odowaa oo Wasiirka ku weheliyey Shirka Jaraa’id ee uu ku shaaciyey kala dirista labaatankan kooxood ee Caafimaadka Xoolaha ka hawlgeli doona, ayaa Wasiirka ka hor ka hadlay Shirkaas Jaraa’id ee ay Sabtidii maanta ku qabteen Xarunta Waaaraddaas ee magaalada Hargeysa.
“Halkan waxa aynu maanta ka bilaabaynaa Tallaalkii ka dhacayay dalka oo dhan ee Xoolaha, kaasoo lixda gobol ee Somaliland ka dhici doona, waxaana Maanta Hargeysa ka baxaya labaatan Kooxood (Teem) oo ah kuwii tallaalayay Xoolaha, waxaanay soo tallaali doonaan Xoolo gaadhaya (Laba Milayn oo Tallaal ah iyo lix boqol oo dawayn ah) Dhamaan Gobolada oo dhan way ka dhacaysaa waxaana ay socon doontaa muddo 2 bilood ah.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo sheegay inay Xooluhu yihiin Laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir oo isaguna shirkaa Jaraa’id ku faahfaahiyey hawlgalkan Caafimaadka Xoolaha kor loogu qaadayo, ayaa yidhi; “Sida ay tahay waajibaadka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo dhigaya in ay daryeesho Xoolaha Somaliland waxa ay maanta gobollada dalka u diraysaa labaatan Kooxood oo u bixi doona gobollada Somaliland. Wasaaraddu waxay daryeeshaa oo xannaanaysaa Xoolaha Caafimaad ahaan, Suuq-geynta Xoolaha, kuwaasoo ah waajibaad saraan Wasaaradda.”
“Waxaa Mashuurcan Labaatanka kooxood ee ka shaqaynaya Caafimaadka Xoolaha qayb wayn ka qaadatay Haay’adda FOA. Waxaanu farriin gaandhsiin doonaa dadka Xoolo-dhaqatada ah, waxaanan leeyahay waxa idiin iman doona Dad dawaynaya Xoolihiinna, waxay wataan dawadii, waxa ay wataan qalabkii loo baahnaa oo dhan, waxaana ay heegan buuxa ugu jiraan sidii ay ula dagaallami lahayeen Cudurrada Xoolaha ku dhaca ee waa inaad la shaqaysaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Aw Daahir.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland oo ka hadlaya waxa Xoolaha laga dawaynayo waxa uu yidhi; “Cudurrada aynu Xoolaha ka dawaynaynaa, waa Cudurrada sababi kara in ay Xoolaheenna Suuq-geynta ka xidhaan, haddii aynu Xoolaheenan Dawayno waxa aynu dawaynay caafimaadkooda, waxa aynu dawaynaynaa waxa laba Cudur waana Sunsunka iyo Furuqa oo iyagu Xoolaha laaya.”
Maaha markii ugu horreysay ee ay Hawlgal noocan oo kale ah samayso Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, waxaana sannadkii hore Kooxo Caafimaad oo uu Wasiirku sheegay inay dawaynayaan Xoolo ku dhawaad Saddex Malyan oo Neef ahi ay ka hawlgaleen gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka Somaliland, Tirada hadda la dawaynayaana waa tiro illaa Laba Malyan iyo Badh ah.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com