Hawl Gal Talaalka Xoolaha ah oo laga Fulinayo Gobolada Somaliland iyo Kooxihii ka Qayb qaadanayay oo Maanta ambo baxay {DHAGAYSO}
Hargaysa 25.Jan 2014 (SDN)- Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee Somaliland ayaa maanta Gobolada iyo Degmooyinka dalka u kala dirtay Koox Qaabilsan Caafimaadka Xoolaha kuwaas oo soo fulin doona hawl gal talaalida Xoolaha Gaar ahaan riyaha oo laga talaali doono Cudurka Sambabka.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xannaanada Xoolaha Dr Maxamed Axmed Cago Weyne ayaa ku booriyay hawl wadeenadan loo kala dirayo Gobolada dalku inay si waddaniyadi ku dheehan tahay u soo Gutaan Waajibaadka loo Xilsaaray.
Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa dhiniciisa ka sheegay in Hawl galkan talaalku uu socon doono Mudo 67 Maalmood ah isagoo Xusay in Kooxahani ay Gaadhi doonaan Dhamaanba Gobolada dalka.
Wasiirku waxa uu ka dalbaday Maamulka Gobollada dalku inay Gacan ka siiyaan Kooxahan hawlaha caafimaadinta Xoolaha waxaanu Bulshada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadan.
Gabo gabadii Waxaa halkaasi Shahaado Sharafyo lagu Gudoonsiiyay Sadex Kooxood oo ka Mid ahaa Kooxihii talaalkii kan ka Horeeyay uga soo qayb qaatay.
Gujji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Hadalkii Wasiirka Xoolaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirTalaal.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com