|

Hawgalka AUSSOM oo la weeragy nabadeynta Soomaaliya

MUQDISHO (QJ) – Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan AUSSOM ayaa si rasmi ah u bilaabay howlihiisa, sida uu ku dhawaaqay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Mohamed El-Amine Souef, ayaa lagu xaqiijiyay in howlgalka AUSSOM uu ka billowday Soomaaliya laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 01-Jan-2025.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2767 (2024), AUSSOM ay sii wadi doonto guulihii laga gaaray howlgalkii ATMIS ee dhowaan la soo gabagabeeyay si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay gaarto nabad iyo ammaan waarta. Masar ayaa hadda qeyb ka ah howlgalkan cusub, halka Itoobiya oo ka mid ahayd howl-galkii hore ee ATMIS-ka laga saaray xiisadda badda.

Masar ayaa hadda qorsheyneysa in ciidamadeeda ay ku soo daad gureyso Soomaaliya dhanka cirka iyo badda si ay qeyb uga noqdaan howlgalka cusub ee sanadkan bilaabanaya.

Xeeldheerayaasha ayaa soo jeedinaya in joogitaanka Millatari ee Masar ay ujeedadoodu tahay inay ballaariyaan saamaynta ay ku leeyihiin gobolka Istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Leave a Reply