|

“Haweenkii dhawaan Dahabkooda u furay Waddada Ceerigaabo, waxa ay ahaayeen Taageerayaasha Xisbiga Waddani, mana jirto sabab aanu ugu soo…….” Guddoomiye Cirro.

Hargesya:21-Oct-2013(SDN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa markii ugu horeysay Ka Hadlay Hadallada xisbigiisa waddani lagaga saaro taageerada loo raadinayo Dhismaha waddada Ceerigaabo-Burco.

odaygaGuddoomiye  Cabdiraxmaan Cirro  oo ka Hadlayey Madal lacag Qaadhaan ah Loogu Ururinayey Maktabadda qaranka, ayaa tilmaamay in Xisbigiisu taageero buuxda siinayo, islamarkaana horeba u siiyey In la dhiso waddadaas Halbawlaha u ah qaranka.

Waxa uu Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro xusay inay ugu horreeyaan oo majaraha u hayaan taageerada waddada, waxana uu si badheedh ah u sheegay in Haweenkii dhawaan sida qiirada leh dahabkooda ugu furay waddadu ay ahaayeen Taageerayaashiisa Xisbiga waddani, “ Dad baa yidhaahda Waddani waa ay ka so horjeeddaa dhismaha waddada Ceerigaabo, balse waxan idiin sheegayaan Haweenkii dhawaan madasha muuqata Dahabkooda ku soo furayey ee dhigayey waxa ay ahaaayeen Taageerayaasha Xisbigga waddani, mana jirto sabab aanu waddada dhismaheeda uga soo horjeedsannaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (cirro) ayaa isagu qaadhaanka loo ururinayey Maktabadda qaranka, waxa uu ku darsaday lacag gaadhaysa $3000,  waxana uu tilmaamay inuu diyaar la yahay wax kasta oo qaranka waxtar u leh, xisbigiisuna mar walba kaalintiisa ka qaadanayo arrimaha Danta Guud ah.

 

Xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisa ayaa dhawaan shacabka ku dhex fidiyey in axsaabta mucaaradka ahi ay ka soo horjeedaan qaadhaanka waddada ceerigaabo, waxana jirey diidmo badan oo axsaabta mucaaradku kala horyimaadeen Hadalkaas suuqa loo geliyey.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed