|

Haweenka Reer Falastiin Oo Noqday Kuwa Ugu Isticmaal Badan Aaladda Internetka Iyo Bogaga Xidhiidhka Bulshada

Hargeysa 12. February 2017 (SDN/QJ):- Wakhti isticmaalka aaladda Casriga ah ee Internetku dunida caam yeelay oo isticmaalkiisu heerkii ugu sarreeyey maalinba maalinta ka dambaysa sii marayo sidoo kalena uu kaba mid noqday nolol maalmeedka dadyowga dunida in badan oo ka mid ah ayaa la sheegayaa in haweenka waddanka Falastiin ay noqdeen kuwa ugu isticmaalka badan haween weynaha adduunka marka dal dal loo barbar dhigo sida ay u isticmaalaan Internetka.

Cilmi baadhis ay samaysay xarunta daraasaadka Maamulka iyo tiknoolajiyada ee Kulliyadda Maxamed Binu Raashid ee dalka Imaaraadka ayaa lagu sheegay in haweenka reer Falastiin noqdeen kuwa ugu isticmaal badan Internerka gara ahaan haweenka dalalka carbeed iyaga oo la sheegay in ay aad u isticmaalaan yar iyo weynba haweenka dalkaasi in badan oo ka mid ahi bogaga xidhiidhka Bulshada ee loo yaqaano Social Media.

Xog baadhistan oo lagu daraaseeyo sannad walba sida ay dalalka adduunku rag iyo dumarba ugu isticmaal badan yihiin Internet-ka ayaa lagu shaaciyey in 44.6% dadka Isticmaala mareegta Facebook gudaha dalka Falastiin ay noqdeen haween halka ragga dalkaasi ka noqdeen 55.4% waana haweenka ugu isticmaal badan dalalka carbeed halka ay ku soo xigaan oo kaalinta labaad ka soo galeen haweenka dalka Tunisia sida ay sheegtay warbixintan oo lagu qiimeeyey 20 waddan oo carbeed oo ay kaliya ka maqan yihiin dadka Soomaalidu waxaana ugu isticmaal yaraaday haweenka dalka Yemen oo ay dalkooda dhibaato dhinaca amniga ahi ka jirto oo hawada ka saartay isgaadhsiintii iyo laydhkii ama korontadii.

Inkasta oo lixda waddan ee la isku yidhaahdo Golaha Is-kaashiga dalalka Khaliijka ee Carbeed (Sucuudiga, Imaaraadka, Baxreyn, Qatar, Cumaan iyo Kuwayt) ay yihiin kuwa dalalka Carabta ugu dhaqaalaha badan haddana haweenkoodu waxa ay noqdeen kuwa kaalmaha ugu hooseeya kaga jira Lataabanka dale e Carbeed ee qiimaynta lagu sameeyey waana kuwa ugu isticmaalka yar Internetka iyo gaar ahaan baraha xidhiidhka bulshada.

Dhinaca adduunka waxa kaalmaha ugu horreeya kaga jira isticmaalka haweenka ee Internetka dalalka Maraykanka, Shiinaha, Ingiriiska, Kanada iyo dalalka Scandinavian-ka.

Comments are closed