|

Haweenka ka shaqeeya Nadaafadda Muqdisho oo qarax xoogan lala eegtay

Muqdisho 20, December 2011 (Qurbejoog.com)- Haweenka ka shaqeeya Nadaafadda gobolka Banaadir ayaa maanta qarax miino oo qasaaro dhaliyay lagula eegtay degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir. 

Sida Website-ka Somalidiasporanews.com uu  u xaqiijiyay qof goobjooge ah, barqonimadii maanta ayaa Haweenka Nadaafadda gobolka Banaadir waxaa degmada Dharkeenlay ee Magaalada Muqdisho lagula eegtay qarax miino oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhawac oo soo gaaray Haweenkaasi. 

Inta la’ogyahay 3-ruux oo 2-ka mid ah ay ahayeen Haween ayaa ku geeriyooday 8-kalana way ku dhaawacmeen kuwaasi oo la sheegay in ololo Nadaafadeed ay ka wadeen Nawaaxiga Saldhiga Galbeed degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir. 

Miinada ayaa la sheegay inay aheyd nuuca laga hago Rimood Kontorolka, waxaana la tilmaamay in haweenka loo taabtay markii ay isugu soo urureen goob ay ka qaadeen qashin oo ka agdhow Saldhiga degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir. 

“Qarax miino ayuu ahaa, Haweenka Nadaafadda ayaa lagu qarxiyay, goobta oo dhan waa laga cararay” sidaasi waxa Website-ka Somalidiasporanews.com uu  u xaqiijiyay qof goobjooge ah. 

Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa in saacado badan ay hakad gashay, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo halkaasi gaaray kuwaasi oo bilaabay baaritaano ku aadan cidda ka dambeysa qaraxaasi. 

Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya Max’ud Axmed Nuur (Tarsan) oo isbuucyo ka hor la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Maamul gobolka uu cambaareynayo qaraxyada mar waliba lala eegto Haweenka Nadaafadda ee Magaalada Muqdisho. 

Qaraxyo badan ayaa Haweenka Nadaafadda gobolka Banaadir waxaa lagula eegtay Muqisho, iyadoo Mas’uuliyadda weeraradaasi badankoodu ay sheegtaan Al Shabaab taasi oo ay ugu dambeysay qarax miino oo Haweenkaasi lagula eegtay Xaafadda Suuq liif degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed