|

Haweenka Awoodda Ku Leh Madaxtooyada Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Khasbay Inuu Maareeye Khadar Cali Gaas Shaqada Sii Wato Inta La Gaadhayo Munaasibadda 18-ka May

Hargaysa:May,09,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Aqalka Madaxtooyada Somaliland, waxa muran ba’ani ka taagan yahay Xil-wareejin loo samayn lahaa Maareeyenimada TV-ga qaranka oo dhawaan loo magacaabay Maareeye Cusub, waxana arrintaas laf dhuun gashay ku noqday Haweenka awoodda Badan ee Madaxtooyada ku xeeran, kuwaas oo intooda badani ku xidhan yihiin marwada Madaxweyne Siilaanyo.

kebeWararku waxa ay intaas ku darayaan in Haweenku si cad isku hor istaageen xil-wareejin maanta loo ballansanaa oo maareeyaha hore meesha lagaga saari lahaa, isla-markaana madaxweynaha ku kallifeen inuu qoro warqad uu Maareeyihiin hore muddo kooban shaqada kusii wadan karo.

Qoraalkan oo la sheegay inuu Madaxweynuhu qoray, ayaa yimi markii uu wasiir Cukuse diiday amarro afka ah oo loogu sheegayo inuu Maareeyuhu sii shaqayn doono inta laga gaadhayo Munaasibadda 18-Ka May, taas oo wasiirkuna ku andacooday in ninkii Xilkaas loo magacaabay uu xaadir yahay, isla-markaana aanay jirin baahi keeni karta in Maareeyihii hore shaqo hore  digreeto loogaga qaaday uu sii wato.

Arrintaas ayaa keentay in madaxweynaha laga qoro waraaq amar ah oo uu wasiir cukuse ogaysiinayo in Khadar Cali Gaas xilkii maareeyaha telefishan qaranka sii hayn-doono ilaa 18-ka May, iyadoo digreetadii hore ee uu madaxwaynuhu xilka kaga qaaday hadana isla iyada ku magacaabay maareeye cusub oo magaciisa la yidhaa Cabdi Cali Mahdi.

Dib u magacaabista Khadar Cali Gaas ayaa sida la sheegay madaxwaynuhu ku sababeeyey in looga maarmi-waayey soo saarista iyo habaynta barnaamij-yada xuska 18-ka May ee laga sii dayndoono telefishanka qaranka, waa sida ay haweenku madaxweynaha ku qanciyeene.

Haweenka Talada Madaxtooyad kasoo baxda Mus-dambeedka u ah, ayaa iyagu doonayo inuu Maareeyuhu sii maamulo lacago Kumanaan Dollar ah oo loo qoondeeyey Baahinta barnaamijyada loogu talo galay Munaasibadda 18-ka May, taas  la filayo in lunsigeedu xadka ka Baxo, iyadoo loo diidan yahay inay Lacagtaasi ku dhacdo Gacanta Wasiir Cukuse.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed