Haweeney u Sharaxan Madaxnimada Somalia ee Sanadka 2016-ka oo kusoo Wajahan Muqidsho
Muqdisho,11Aug,2015(QJ/SDN)-Faadumo Dayib oo ah Haweeney Soomaaliyeed oo 25-sano ku noolayd dibadda ayaa kusoo wajahan Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabatay, iyadoo Sheegtay inay Doonayso inay Hagaajiso Mustaqbalka Somalia, Sannado badan oo colaado ah kaddib.
Horraantii Sanadkan 2015-ka ayay Faadumo Dayib ku dhawaaqday inay tahay murashaxad u taagan xilka Madaxweynenimo ee Somalia sannadkan 2016-ka oo la filayo inay Somalia ka dhacdo doorashadii ugu horreysay muddo 40-sano ka badan.
“Waxaan ahay Ruux Saadaal Wanaagsan,” ayay Dayib u sheegtay Wargeyska Onislam.net. waxayna intaas ku dartay inay doonayso inay Tartan Adag u gasho sidii ay u noqon lahayd Haweeneydii ugu horreysay oo Soomaaliya Madaxweyne ka noqota.
Faadumo ayaa Somalia ka Carartay Sagaashameedyadii markaasoo dalku uu galay colaado Sokeeye, waxayna muddo ku noolayd Waddanka Kenya, iyadoo xilli dambe dagtay dalka Finland oo ay hadda ku nooshahay.
“Waxaan Somalia ka qaxay anigoo 14-sano jir ah, Waxaana intii aan Dalkeyga ka Maqnaa aan qaatay laba shahaado oo kala ah; Caafimaadka Bulshada (Public Health) iyo sidoo kale Maamulka Dowliga (Public Administration) oo aan ka qaatay Iskuulka Kennedy oo hoosta Jaamacada Harvard ee dalka Mareykanka,” ayay tiri Faadumo oo ah hooyo afar cunug leh, iyadoo intaas ku dartay inay doonayso inay dalkeeda Soomaaliya ka dhaydo boogihii kasoo gaaray colaadihii sokeeye ee muddada fog socday.
Sidoo kale, Faadumo waxay sheegtay inay tahay in isbedelka Somalia uu xagga sare kasoo billowdo. Waxayna tiri “Somalia waxay u baahan tahay inuu isbedel weyn ka dhaco si wax looga qabto xaaladaha taagan.”
Murashaxadda oo sii Hadlaysay ayaa sheegtay in Waxyaabaha ay rabto inay wax ka qabato ay ka mid yihiin; Cirib-tirka Saboolnimada iyo sidii dib loogu soo celin lahaa Kaabayaasha Aasaasiga ah ee Bulshada oo ku burburay Colaadihii sannadaha badan ka socday Somalia.
“Anigu inta badan waan Riyoodaa. Waxaana ku riydoodaa sida ay u ekaanayso Somalia,” ayay Hadalkeeda ku dartay Faadumo Dayib oo Haweeney u Sharraxan Madaxweynimada Soomaaliya Sannadka soo socda.
Ugu dabmeyn, Waxay Sheegtay in la Qorsheynayo in Somalia ay sannadka 2016-ka ay ka dhacdo doorasho kaddib Doorashadii 1967-kii. Waxayna Xustay inay ka Shaqeyn doonto dib u dhiska; caafimaadka, waxbarashada, sidii saboolnimada loo cirib-tiri lahaa iyo shaqo-abuurista.
Si kastaba ha ahaatee, Hadalka Haweeneydan isku soo Sharraxday inay ka Qayb-gasho Doorashada madaxnimo ee Somalia ee 2016-ka, ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay madaxda Dowladda Somalia sheegeen in dalka aysan sannadka soo socda ka dhici karin Doorasho Qof iyo Cod ah.