|

Haweeney Soomalai ah oo qiratay in ay Lacagou u urisay Shabaabka sanado ka dib

Minneapolis Sep 01,2013(SDN)-Haweeney Soomaali ah oo ku nool magaalada Minneapolis ayaa sanado ka dib qiraytay in ay been u sheegtay Guddi ay dawlada Mareykanku u saartay baaitaan lagu sameeynayay dhalinyaro Soomaali ah oo Mareykanka tagtay kuna biirtay kooxda Al Shabaab.

Saynab Xuseen ayaa maxkamada degmeda Minneapolis ka hor qiratay in gashay denbi ah in ay been u sheegtay guddida.

Waxaaney sheegtay in sanadii 2009kii ay Guddida u sheegtay in aaney la socon cid lacag u ururisay dhalin yaradii.

Halka ay haatan ka qiratay in ay iyadu lacago u ururisay dhalintii ka tagatay Minneapolis si ay uga soo garab dagaalanto Shabaabka.

Maalinimadii khamiistii ayaa haweeneydan lagu oo oogay denbi la xiriira argegixisonimo iyada oo noqoneysa ruuxii 21naad ee denbi la xiriira dhalintii Shabaabka ku biirtay.

Saynab oo haatan ah 23 jir oo Uurna leh ayaa waxa ay kalkaaliso caafimaad baraneysaa ayaa hadii denbigan lagu helo waxa ay muteysan kareysaa shan sanadood oo xarig ah.

SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed