|

Haweeney Soomaali ah oo oo reer Minnesota ah oo loo magacaabay guddi u kuurgasha cudurka Autismka

Minnesota Mar 30,2012(SDN)-Xoghayaha Caafimaadka iyo adeega Bulshada Mareykanka Kathleen Sebelius ayaa u magacowday Haweeney Soomaali ah oo reer Minnesota ah in ay xubin ka noqoto Guddi u kuur gasha baaritaanada cudurka Autismka.

Marwo Idil Cabdul oo ku nool magaalada  Burnsville isla markaana dhashay mid ka mid a caruurta Soomaaliyeed ee cudurka Autismku haleelay ayaa ka hawlgeli doonata guddida xiriirka Autismka Mareykanka.

Marwo Idil ayaa saxaafada u sheegtay in cudurkani uu faro ba’an ku hayo caruurta ka soo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay,oo ay heysato dhibaatooyin luuqadu ay ka mid tahay.

Marwo Idil ayaa hore u aasaastay xarun Soomaaliyed oo lagula tacaalo ubadka qaba cudurka Autismka.

“Waxaan jeclaan lahaa in aanu helo jawaabo-adeegyo wanaagsan,dawo iyo sinaan caruurtayadu hesho,sidoo kale baaritaano dhab ah ayaanu dooneynaa in lagu sameeyo cudurkan”ayay tidhi marwo idil.

Dawlada Mareykanka ayaa maalinimadii Khamiista soo bandhigtay warbixin naxdin leh oo muu jineysa sida cudurku ugu faafayo Mareykanka.

Warbixintu waxa ay tibaaxeeysaa in 88kii ruux ee Mareykan ahi uu mid ka mid ihi qabo Autism.

Waana warbixitii u horeysay ee noocan ah oo sawir baaxadaa leh ka bixisa heerka faafida cudurka.

SDN-Minnesota

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed