|

Haweeney Soomaali ah oo Maxkamada Xuuqda Aadanaha Yurub ay Sheegtay in lagu xadgudbay

Malta July 24,2013(SDN)-Haweeney Soomalai ah oo qaxootinimo ku tagtay dalka Malta ayaa maanta maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ay sheegtay in lagu xadgudbay xuquuqdeeda asaasiga ah e biniadamnimo.

Haweeneydan oo magaceeda lagu soo koobay Aadan Axmed ayaa maxkamad ku taal dalka Malta sanadii 2009kii ku riday xukun ahaa in dalka laga saaro ka dib kolkii ay dalkaa ku gashay si sharci daro ah.

Balse waxa ay Malta uga sii gudubtay dalka Holland oo ay ku noolaayeen Abaheed Walaalkeed iyo Wiil yar oo ay dhashay.

Waxaase dib loogu celiyay Malta oo maxkamadi ku riday xadhig lix bilood ah ka dib kolkii lagu helay denbi ah in ay dalka ka baxday iyada oo uu xukun ku dhacay.

Intaa ka dib Haweeneyda Soomaalida ah oo Uur leheyd ayaa xabsiga Hal Far ku xanuunsatay ilmihii ay sidayna ku weysay.

Waxa xabsigaa ay ku jirtay mudo 18 bilood ah oo ay kolba dalbaneysay in laga sii daayo xabsigaasi.

Haweeneydan Soomaalida ah ayaa sheegtay in xaaladaha xabsigu ahaayeen qaar waxyeelo caafimad jirkeeda iyo Maskaxdeedaba soo gaarsiiyay.

Maxkamad aYurub ee Xuquuqda aadanaha ayaa goaamisay in haweeneydan magaceeda lagu soo koobay Aadan Axmed ay dawlada Malta siiso magdhaw dhan €30,000 oo lacagta reer Yurub ah.

Iyada oo maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ay sidoo kale gaartay goaan ah in Aadan Axmed la siiyo €3,000 oo kale oo ay isaga bixiso kharashaadkeedii Qareenadii difaacayay.

Maxmada ayaa sidoo kale sheegtay in labada dhanba ay heystaan mudo sadex bilood ah oo ay racfaan uga qaadan karayaan goaankan.

Dawlada Malta ayaa sheegtay in khaladkani ay gashay xukuumadii hore ee dalkaasi oo aheyd mid xagjir ah,isla markaana ay ka fiirsaneyso tilaaboyinka sharci ee horyaala.

Sidoo kale xukuumada Malta ayaa sheegtay in aan reer Yurub ku daawan kareyn hirarka soo galootiga ah ee dalkeeda soo gaaraya,ayna u baahan yihiin in wax lagala qabto.

SDN-Malta
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed