|

Haweeney Soomaali ah oo ku nool Mareykanka oo qiratay in ay taageero u fidisay Al Shabaab

San Diego Dec 02 2011(qurbejoog.com)-Haweeney soo gelooti ku ah Mareykanka ayaa shalay maxkamad ka hor qiratay in ay taageero u fidisay kooxda Al Shabaab ee argegixisada qoran.

Nimca Cali Yusuf oo maxkamadi uga socotay magaalada San Diego ee Mareykanka ayaalagu soo oogay denbigan oo ay maxkamadi dhageysaneysay.

Xafiiska Xeer ilaalinta ee gobolka California ayaa sheegay hadii danbigan ay qiratay lagu xukumo ay haweeneydani muteysan karto 15 sano oo xadhiga.

Naciima ayaa danbiga gacan siinta Shabaabka lagu soo ogay sanadii 2010kii ka dib kolkii lagu soo eedeeyay in ay rag ka tagay magaalada Minneapolis ay u dirtay 1450 dollar.

Haweeneydan ayaa ka mid aheyd tiro Soomaali ah oo loo qabqabtay in ay lacago u direen Shabaabka.

 

Qurbejoog-San Diego

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed