|

Haweeney Seygeedii oo ay is qabeen Todobaad ka tuurtay Buur Mareykanka ku taal

Montana Sept 12,2013(SDN)-Haweeney la sheegay nin ay isqabeen todobaad uun ay ka tuurtay buur ku taal Montana ayaa la soo xaqiijiyay in ay toobkii ama Canbuurkii arooskeeda in ay ku bedelatay isku joog la xirto kolka buuraha laga boodayo iyo Katiinada Boolisku iticmaalo.

Jordan Linn Graham oo 22 jir ah ayaa xeer ilaalintu ku eedeysay in ay been uga jawaabtay suaal walba oo ay weydiiyeen iskuna deyday in ay qariso xogta ku xeeran dhimashada seygeeda.

Denbi oogeyaasha ayaa maxkamada ka hor shegay in Haweeneydani ay seygeedii Cody Johnson ka tuurtay buur ka dib kolkii ay doodi dhexmartay.

Sidoo kale denbi baarayaashu waxa ay sheegeen in Haweeneydu ay asaxaabteeda la wadaagtay bil ka hor in aaney dooneyn in ay Cody is guursadaan.

Maalin ka hor intii aaney u bixin safarkan buuralayda ay ku tageen ayaa la sheegay in lamaanuhu ay dhexmartay dood adag oo guurkooda ku saabsan.

Boolisku waxa kale oo ay sheegeen in ay hayaan fariimo daqiiqado ka hor ay Haweeneydu u dirtay mid ka mida asaxaabteeda oo ay ku sheegtay in ay iminka la hadli doonto odeygeeda,hadii ay war ka weydo habeenimada ay ogaato in wax dheceen.

Booliska ayaa dacwada ay ku soo oogeen haweeneyda waxa ay ku sheegeen in ay u sheegtay in seygeedu iyaga oo murmaya uu gacan qabtay ka dibna ay iska fujisay.

Balse halkii ay isaga dhaqaaqi laheyd ay caro awgeed dhabarka ka riixday ka dibna uu wejiga u dhacay oo uu buurtii ka duulay.

Cody Johnson ayaa meydkiisa la helay maalmo ka dib.

SDN-Montana
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed