Haweenaydii u horreysay Soomaalida ee Duuliye Diyaarad Millateri Noqota oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey DAAWO
Muqdisho 21. July 2017 (SDN/QJ):- Asli Xasan Nuur Cabaade oo ah Gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyad ah ee Duuliye noqota wakhtigii dawladdii Millateriga Soomaaliya, waxaanay ka mid ahayd Duuliyeyaashii Ciidammada Cirka Dawladdii Burburtay, ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyada oo ka soo noqotay waddanka Maraykanka oo ay deggan tahay.
Asli waxay noqotay Taariikhda Gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee Diyaarad duulisay, waxaanay xubin firfircoon ka ahayd Duuliyaashii Ciidanka Cirka Soomaaliya burburkii dowladdii Millateriga ka dibna Asli waxay ololeeye u ahayd nabadda iyo isu-keenidda Bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed marwo Batuulo Axmed Gabale ayaa ka hadashay soo dhaweynta ay maanta u sameeyeen Asli Cabaade.
Bishii September 1976dii ayay Asli Xasan Nuur kicisay Diyaaradii ugu horeysay oo nuuceedu ahaa sasna 150 in ay duuliye noqotana waxaa ay u gashay dadaal aad u balaaran Asli waxaa ay ku soo kortay Xerada Ciidammada Cirka ee Afasyooni kaliya qooskeeda asli xubno ka tirsan ayaa asli ku wehliyay ciidanka xoogga sida Caasho Xasan Maxamed Xasan iyo Maxamuud sidoo kale labada waalid ee Asli waxaa ay ka mid ahaayeen ciidammada mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa ay ku nooleed gobolka texas ee dalka mareykanka waxaana ay asli wali diyaar u tahay in ay u shaqeyso Qaranka oo ay soo saarto duuliyaal cusub.
Asli Xasan Nuur, ayaa si qiiro ku jirto ugu mahad celisay dhamaan bulshada ka qayb qaadatay soo dhaweynteeda. Waxaana soo dhawaynteeda ka qayb-qaatay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Masuuliyiin Laamaha dawladda ka tirsan iyo Shacab Rag iyo Dumar-ba isugu jiray, waxaanannu Warbixinta warkeeda oo dhammaystiran, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysan hoose ee ka bogasho wacan:-