Haweenaydii Kowaad ee Maayir Ka Noqota Magaalooyinka Somaliland ee Ku Soo Baxda Doorasho dadweyne Iyo Milicsiga Waxqabadkeeda
Hargaysa 25. June 2017 (SDN/QJ):- Marwo Khadra X Ismaaciil Yoonis { Khadra X Gaydh } Waa Haweenaydii Kowaad ee Somaliland ah ee Ku Soo Baxda Doorashooyinkii Dawladaha Hoose ee Sannadkii 2002-dii Isla Markaana Isaga Gudubtay Xildhibaan Golaha Deegaanka Gebilay, Maayir Ku Xigeen,Maayar Buuxa iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland oo uu Madaxweyne Siilaanyo Mudo Sannad iyo dheeraad ka hor u Magacaabay Xilkaas oo ay ilaa iyo hada hayso isla markaana ay noqonayso Haweenayda keliya ee Xil agaasime Guud ka haysa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa Xogwaran dhinacyo badan leh waxay siisay barnaamijka Baro oo Ku dayo Muwaadinkaaga danta Guud Waxa weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay ee uu Soo saaro Aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin.
Waxay ugu Horayn Khadra Xaaji Ismaaciil (Khadra Xaaji Gaydh) Waxay ka Jawaabtay,Halkii ay ku dhalatay iyo Deegaanadii ay ku soo barbaartay waxayna tidhi ‘’Waxaan ku dhashay Magaaladda Hargaysa dhinaca barbaarinta Markaan eego Waxay ahayd Magaaladan Hargaysa iyo Degmadda Allay baday,Sidoo kale waxbarashadaydii waxaan ku soo qaatay isla magaalooyinkaas aan soo sheegay’’
Marwo Khadra Gaydh Waxa kale oo ay Sheegtay in Intii aanay Siyaasada ku soo Biirin ay mudo dhinaca ganacsiga ku soo dhex Jirtay Waxaa Kale oo ay Iftiimisay Markii ay Siyaasada ku soo biirtay ee ay Ka mid noqotay Golihii deegaanka Gebilay arimihii ka hor yimid waxayna tidhi ‘’Waxaan Ganacsiga Bilaabay 1991kii Waxaan hadana Joojiyey 1998-kii,Sidoo Kale 2002-dii Bishii December waxaa dhacday doorashadii Kowaad ee Golayaasha Deegaanka Somaliland ee wakhtigaas Waxaana Doorashadaasi Gaar ahaan Gebilay ku soo baxay 20 Nin Iyo Aniga oo ah Haweenay,Raga waa la garanayay in Xildhibaan loogu yeedhi doono laakiin aniga Wixii laygu yeedhi lahaa lama hayn,Oday ayaa igu yidhi oo Kaalay adigana Ma Xildhibaan ayaanu ku nidhaahnaa Mise Khadra Markaas waxaan ku idhi mayee Waxaad iigu yeedhaan Khadra,Maanta waa ilaahay mahadii Hablo ayaa golayaashii deegaanka soo galay,Hablo ayaa Baarlamaankii soo galay Waxaan odhan karaa waa la garanayaa Maanta waxa loogu yeedhayo Laakiin Xiligaygii Maalin adag ayay runtii iska ahayd’’
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Waxay faahfaahisay Sababihii ku Kelifay inay Saaxada Siyaasada soo gasho & Caqabadihii ka hor yimid Waxayna tidhi ‘’Siyaasada umaan gelin inaan ka shaqaysto Laakiin waxay ahayd Wax aan Xiisayn Jiray Waayo waxaan arki Jiray baylah badan oo degmada allay baday taalay oo aan ku hamin jiray Sidii aan wax uga qaban lahaa taas ayaa aakhirkii I gaysay inaan ka mid noqdo Golihii deegaanka ee Gebilay hasa yeeshee waxaa ka mid ahaa Caqabadihii ila soo dersay in Xaruntii golaha Deegaanku ay noqotay Gebilay taasina ay Meesha ka saartay in Wixii aan ku taamayay inaan degmada Allay baday ka qabto uu hakad ku yimid maadaama aanay Xildhibaanadu Shuqul ku lahayn halkii laga soo doortay ee ay Waajib ahayd inay Gebilay Joogaan oo Ku Shaqeeyaan,Sidoo kale Waxaa I dabrayay Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka laakiin hadana taasi igama ay wada weecin inaan u hadlo dadkii I soo doortay Waxaa Kale oo Caqabadihii I soo maray ka mid ahaa Waxaan la shaqaynayay 20 Nin oo aan dhex fadhiyey taas oo dareenkeeda leh in badan Ayaan ka aamusi Jiray Doodooda oo Dhaqankeena ayaa hablaha ka Joojinayay inay Madal rag joogaan ay ka dhex hadasho Laakiinse Markii danbe waan la qabsaday ilaa wax waliba Sidii la rabay ay u Socdeen’’
Marwo Khadra X Ismaaciil Yoonis { Khadra X Gaydh } Waxay Xustay inay Mudo Lix Sanno ah ahayd Maayar Xigeenka Magaaladda Gebilay Kaas oo Waajibaadkiisu yahay Wixii Loo igmado inkastoo qaaradan Africa aanay Igmashadu Jirin Sida ay tidhi oo Mar kasta Cida hogaanka haysaa aanay samayn Maamul daadejin hasa yeeshee taas isbedel ayaa ku Yimid waxayna Tidhi
‘’Markii danbe waxaan Noqday Maayir Buuxa oo aan hayay Xilkaas ilaa Mudo Sannad ah arrintaas wax weyn ayaa iska bedelay Waxaan nasiib u helay in wixii iga dhex guuxayay ee waxqabad ahaa aan fuliyey Kuwaas oo ah Mashaariic Maanta ka dhex muuqda Magaaladda Gebilay’’
Arrimaha lagu xasuusto Mudadii ay Marwo Khadra Xaaji Gaydh Maayarka ka ahayd Gebilay waxaa ka Mid ahaa dib u dhis iyo Balaadhin ay ku samaysay Xarunta Dawlada Hoose ee Dagmada Gabiley Sidoo kale waxay dhistay Guriga Martida ee Gebilay, Waxaa Kale oo ay Samaysay Waddooyin badan oo Magaaladda Gebilay ah halka ay Sidoo kale wax ka qabatay Deegaanada ay maamusho degmadda gebilay.
Sidoo kale Marwo Khadra X Gaydh waxay ka Mid ahayd Haweenkii Kaalinta Firfircoon ugu Jiray Xisbiga Kulmiye ee Maanta talada Somaliland haya Gaar ahaan Xiliyadii uu Mucaaridka ahaa.
Ugu danbayn Madaxwayne Axmad Siiraanyo waxuu u magacaabay Marwo Khadra X Gaydh Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada 1/3/2016 waxaana hubaala in Dumarku hanan karaan Xillalka iyo Masuuliyada Qaranka ee loo igmado.