Haweenaydii Diinta Islaamka Ka Baxday Dalka Suudaan Oo La Filayo In Dhawaan La Sii Dayn Doono
Khartoum:June,02,2014(SDN/QJ)-Waxa lagu wadaa in dhawaan la sii daayo Haweenay u dhalatay Dalka suudaan oo ka baxday Diinta islaamka, isla-markaana Guursatay Nin aaminsan Diin aan midda islaamka ahayn.
Sida uu sheegay Cabdilaahi A. Rasaaq oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sudan, waxana lagu wadaa in dhawaan la sii daayo Haweenayda Magaceeda la yidhaahdo Maryam Ibraahim, iyadoo dhawaan wasaaradda Garsoorku dhamaystiri doonto Hannaanka ka dhiman sii daynteeda.
Garyaqaanka Haweeneydaasi gaalloowday oo lagu magacaabo Mohamed Mustafa ayaa u sheegay Telefishinka Aljazeera sheegay in go’aanka kama dambeysta weli laga sugayo Maxkamadda Rafcaanka.
Haweeneydan oo 27-jir ayaa waxay Maxkamadda Sudan ku xukuntay xukun daldalaad ah, kadib, markii lagu helay inay Diinta Islaamka ka baxday, isla markaana ay Nin Kirishtaan u dhaxdo.
Salaasadii hore ayey ku dhex umushay Xabsiga Haweenka oo ku yaalla magaalladda Omdurmaan, waxaana ku soo booqday ninka ay u dhaxday oo lagu magacaabo Danyal Waani, kaasi oo haysta dhalashadda dalka Maraykanka.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com